Prof. M.Osman Jawaari oo xili xasaasi ah Norwey kusoo wajahan.

0
Friday October 07, 2016 - 21:56:28 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. M.Osman Jawaari oo xili xasaasi ah Norwey kusoo wajahan.

    Sida laga soo xigatay ilo xog ogaal ah, waxaa bartamaha bishan aan ku jirno ee may kusoo wajahan wadankan Norwey, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mohamed Osman Jawaari. Asaga oo 20-mai ka qaybgali doona xuska 10-guuradii kasoo wareegtay aasaaska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida laga soo xigatay ilo xog ogaal ah, waxaa bartamaha bishan aan ku jirno ee may kusoo wajahan wadankan Norwey, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mohamed Osman Jawaari. Asaga oo 20-mai ka qaybgali doona xuska 10-guuradii kasoo wareegtay aasaaska xarunta nabada iyo xuquuqul insaanka ee Oslo Center. Waxa uuna kala qaybgali doonaa xuskan shaqsiyaad caan ah oo uu kamid yahay xoghayihii hore ee qaramaada midoobey Mr Kofi Annan.

Sidoo kale 19-ka bishan mai ayay xaruntu soo qabanqaabisay kulan uu jawaari la yeelan doono jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, si uu ooga warbixiyo isbadalka siyaasadeed iyo kan horumareed ee ka dhacay soomaaliya xilayadii ugu danbeeyay.

Booqashada Jawaari ayaa kusoo aadaysa xili bil kahor ay dowlada Norwey soo saartay go aan ah in ay soomaalida aan degenaanshaha qaadan kala noqon karto sharciga, maadaama xaalada amni ee Soomaaliya ,gaar ahaan caasimada Muqdisho uu waxbadan iska badalay xiliyadii ugu danbeeyay. Arintaas oo wel-wel galisay Soomaali dhowr kun gaaraya oo kunool Norwey, balse aan wali qaadan degenaanshaha rasmiga ah.

Su aalaha dad badan is waydiin karaan ayaa ah: maadaama uu jawaari yahay mid aad uga warqaba xaalka Soomaaliya, waxbadana ku noolaa Norwey, Makala hadli doonaa dowlada Norwey arintan? ama soomaalida Norwey cadaadis maku saari doonaan Jawaari inuu arintaas kala hadlo dowlada Norwey? Dabcan sawirka uu jawaari ka bixiyo xaalada amni ee Soomaaliya ayaa noqon kara mid saameyn ilaa xad ah ku yeesho go aankan ay gaartay dowlada Norwey ee ku saabsan celinta dadka aan degenaanshaha qaadan.


Xigasho Norsom

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip