Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Maanta Deegaanka Godinlabe

0
Thursday October 13, 2016 - 14:08:49 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Maanta Deegaanka Godinlabe

    Ciidamada Mamaullada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa shalay ku dagaallamay degaanka Gondinllabe ee Gobolka Galguduud,waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mamaullada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa shalay ku dagaallamay degaanka Gondinllabe ee Gobolka Galguduud,waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidanka Galmudug ayaa shalay isku dayay in ay Isbaaro ka qaadaan degaankaas,kadib dagaal ay Kooxdii Isbaarada kala hortagtay ayaa waxaa dib kaga biiray Ciidanka Maamulka Ahlusunna.

Ciidanka Maamulka Ahlusunna Waljameeca ayaa la wareegay degaanka Godinllabe shalay gelinkii hore,waxaase kadib dagaal rogaal celin ah oo ay qaadeen Ciidanka Galmudug u suuragashay in ay ka saaraan Ciidankii maamulka Ahlusunna.

Ciidamada labada dhinac ayaan midna ku sugneyd gudaha magaalada,waxaana ay kala joogaan labada dhinac ee Magaalada Godinllabe.

Xaaladda Degaankaas ayaa maanta deggan,iyada oo dadkii degaanka ay ka barakaceen degaankaasi kadib markii ay shalay ku dagaallameen Ciidamada kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip