Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Garoowe

0
Saturday October 15, 2016 - 14:27:49 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Garoowe

    Wafdi uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminaayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Ra'iisul Wasaaraha waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Puntland iyo shacab aad u fara badan.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland kulamo kula qaadan doona saacadaha soo socda Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Mas’uuliyiin kale isagoo kala hadli doona sidii loo xalin lahaa Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Banaanaxyo loogu soo horjeeday socdaalka Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo deegaano kale oo Puntland ka tirsan.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa xalay kulamo kula qaatay Magaalada Cadaado ee caasimada Kmg-ka ah ee Maamulka Galmudug madaxda Maamulkaas isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka aloosan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip