Madaxweynaha Oo Soo Dhoweeyey Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Sare Ee Galmudug

0
Monday October 17, 2016 - 13:01:48 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 4255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Soo Dhoweeyey Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Sare Ee Galmudug

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey Madaxda iyo Baarlamaanka Galmudug tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya Galmudug ku doorteen iyo gaar ahaan inay labo hawee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey Madaxda iyo Baarlamaanka Galmudug tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya Galmudug ku doorteen iyo gaar ahaan inay labo haween ah u soo doorteen Aqalka Sare oo ah tallaabo horey loogu qaaday Doorashada 2016ka.

Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaan marka hore u hambalyeynayaa xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug doorashadii ay ku doorteen xubnihii u matalayey Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka GalMudug oo iyagana wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanka xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka haweenka ee baarlamaanka Galmudug u soo xulay Aqalka Sare, isla markaasna u hambalyeeyey haweenkii ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacday Cadaado.

"Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Zamzam Dahir Maxamud iyo Jawaahir Axmed Cilmi oo noqday labadii dumar ee ugu horreeyey ee loo doorto inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka, waana taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay.

Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanka Galmudug u soo xusheen labo haween ah oo ka mid ah 8da xubnaha Aqalka Sare ee matalaya deegaanada Galmudug.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Dowlad Goboleedyada kale inay sidaas oo kale ay xubnaha Aqalka Sare u soo xushaan oo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadana aan ka codsaneynaa in matalaada haweenka ee Aqalka Sare ay soo xushaan.

Haweenka Soomaaliyeed waa geesiyaal u istaagay nabadeynta iyo horumarka dalka, waxaana hubaa inay door wanaagsan ka qaadan doonaan dar-dargelinta horumarka dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016ka oo ay Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin isla markaaan u qabsoomaan sidii loogu talagaley.



Dhammaad--


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip