Al Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Muuri oo ku yaalla Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen Deegaanka Muuri, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyiin.
Al shabaab war ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in Deegaanka Muuri ay Dagaal kula wareegeen, inkastoo saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose aysan weli arintaasi.
Deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo qiyaas ahaan 13 Km dhinaca Koofureed kaga beegan Degmada Afgooye ayaa maanta lagu soo waramaya in Al Shabaab ay gacanta ku hayaan.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wali war kasoo saarin dagaalka Al Shabaab ay kula wareegeen deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Al Shabaab Oo Maanta Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Muuri
Al Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Muuri oo ku yaalla Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.