Madaxweynaha Soomaaliya Oo Daahfuray Mashruuca Nadaafada Casriga Ah Ee G/Banaadir + Sawirro

0
Monday October 17, 2016 - 21:12:02 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Daahfuray Mashruuca Nadaafada Casriga Ah Ee G/Banaadir + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkad Maxali ah oo lagu magacaabo ECCO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkad Maxali ah oo lagu magacaabo ECCO.

Munaabadda waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ganacsato iyo marti sharaf kale. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay furitaanka mashruucaan ayaa sheegay in dadaal badan ka dib lagu guulestay in mashruucan laga hirgeliyo Soomaaliya, oo ay in ka badan 1000 qofood shaqo abuur u noqoneyso. 

Waa mashruuc casri ah sida aad u jeedaan qalabka la soo bandhigay, kuwaas oo nadaafada caasimada kaalin mug leh ka qaadan doona, soona celin doona bilicda caasimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa xariga ka jaray mashruucan nadaafada ee Gobolka Banaadir, waxuuna ku ammaanay Gobolka iyo shirkada hirgelineysa mashruucan dadaalkooda keenay in maanta la hirgeliyo mashruuca nadaafada iyo dhiirigelinta la siiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo Shirkadaha maxaliga ah inay wadashaqeyn la yeeshaan hay’adaha dowliga ah.

"Caasimada Muqdisho waa muraayada dalka, sidaas daraadeed mashruucan nadaafada waxuu soo celinayaa bilicdii ay caasimadu laheyd. 

Horumarka uu dalku ku tallaabsanayo maalin walba waxey keentay in shirkadaha maxaliga ah fursad loo siiyo ay dalka ku horumariyaan. 

Nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qurbojoogta Soomaaliyeed inay dalkooda maalgeshtaan tanoo fursad u ah in dhalinyaradeena aan shaqo u abuurno. 

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an inay ahmiyad gaar ah siiso maalgeshiga ganacsatada si dhalinteenu ay shaqo u helaan, dalkana uu uga baxo saboolnimada iyo inaan gaarno isku filaasho buuxda oo dhanka dhaqaalaha ah.




Dhammaad--
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip