Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay In ay Ka Fogaadaan Wararka Hurinaya Colaada Gaalkacyo

0
Monday October 24, 2016 - 16:02:52 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay In ay Ka Fogaadaan Wararka Hurinaya Colaada Gaalkacyo

    Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (Nusoj) ayaa ugu baaqay warbaahinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Warar iyo doodaha abuurikara in ay sii socoto colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (Nusoj) ayaa ugu baaqay warbaahinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Warar iyo doodaha abuurikara in ay sii socoto colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo war qoran kasoo saaray xafiiskiisa ayaa ugu baaqay warbaahinta Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa ka howgalla gobolka Mudug in ay ka fogaadaan warar abuurikara in uu sii baaho dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka socda Gaalkacyo.

"Warbixinada iyo sidoo kale doodaha ku saabsan colaada Magaalada Gaalkacyo , waxa ay saameyn ku leeyihiin dadka shacab ah ee kunool Gaalkacyo , waxana suurta gal in ay sababaan in uu sii baaho dagaalka Gaalkacyo hadii aysan wariyeyaasha Gobolka Mudug uga hadlin si dhexdhaxaadnimo ah” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay NOSOJ.

"Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed , waxa ay amaanayaan Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalla warbaahinta Gaalkacyo , kuwaa soo si mas’uuliyad ay ku dheehan tahay iskaga xilsaaray colaada Magaalada , waxaana ugu baaqaynaa warbaahinta in ay ilaaliyaan dhexdhaxaadnimada , qofkaste waxa uu maanta sameeyo taariikhda ayaa xusi doonta” Sidaasi waxa yiri xoghayaha ururka suxufiyiihinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qaar kamid warbaahinta Soomalida ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay si weyn ugu hadlaysa dagaalada kusoo lab-laabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, qaar kamid ah warbaahinta ayaa la kala saftay maamulada dirirta ay ka dhaxeyso.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip