Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyada iyo weerara ka dhacay M/Gaalkacyo

0
Monday November 26, 2018 - 11:16:07 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyada iyo weerara ka dhacay M/Gaalkacyo

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lagu qaaday Xarunta Nin lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cali Cilmi Yare,iyadoona weerarka lasoo afjaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kaasi oo lagu qaaday Xarunta Nin lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cali Cilmi Yare,iyadoona weerarka lasoo afjaray.

Xarunta la weeraray oo ku taalla koonfurta Gaalkacyo,isla markaana uu lahaa Cabdiweli Cali Cilmi Yare,taasi oo wax lagu bari jiray dad farabadan oo isugu jiray Dhalinyaro iyo Haweyn ayaa waxaana haatan ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan ku dhintay 20-ruux oo isugu jirey dadkii xarunta ku sugnaa iyo Ciidamadii ilaaladda u ahaa Ninka lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cali Cilmi Yare.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas,waxaana ay sheegeen inay ku dileen Nin sheegtay Nabanimo,isla markana u gefay Nabigeena Muxamed NNKH.

Cabdiweli Cali Cilmi Yare ayaa Caanka ahaa Gobolka Mudug iyo Guud ahaan Soomaaliya,waxaana uu horay u soo duubay muuqaalo uu qaarkood ugu gefay Nabigeena Muxamed NNKH.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip