Soomaalida Norway ficil ayey ubaahantahay ee hadal uma baahna (Qorme Aqriste)

0
Monday November 07, 2016 - 01:38:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3207
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Norway ficil ayey ubaahantahay ee hadal uma baahna (Qorme Aqriste)

    Waxa guux iyo walaac xoogan laga dhax dareemayaa dhamaan goobaha lagu qaxweeyo ee ku kulmaan dadka Soomaalida ee kunool wadanka Norway kuwaasi oo siyaabo kala gedisan uga hadlayo xaalado cakiran oo soo wajahay qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaalida e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa guux iyo walaac xoogan laga dhax dareemayaa dhamaan goobaha lagu qaxweeyo ee ku kulmaan dadka Soomaalida ee kunool wadanka Norway kuwaasi oo siyaabo kala gedisan uga hadlayo xaalado cakiran oo soo wajahay qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaalida ee kunool Norway.'
Guuxaani ayaa salka kuhaayo arimaha la xiriiro dad dhalashada dalka Norway dib loogala noqday iyo qeybo kale oo iyagana sharciga deganaanshaha dalkaasi loogu diiday arimo la xiriiro dib usoo hagaagida amaan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hadaba guuxa xoogan ee xiligaan kadhax jiro dadka Soomaaliyeed ee kunool wadanka Norway ayaa waxa aanan muuqan doorka siyaasyiinta Soomaalida ee katirsan golayaasha deegaanka ee dalka Norway kuwaasi oo hadal heyntooda un la maqlo xiliga doorashada oo ee quud dareenayaan codadka dadka Soomaaliyeed.

Tan la yaabka leh ayaa waxey tahay in xili dadka Soomaalida ee ubaahan yihiin ficil iyo waxqabad dhab ah ee siyaasyiinta Soomaalida Norway qaarkood ee ku mashquulsan yihiin ka been sheegida fasirida heshiis wadareedka dhamaan xisbiyada dalka Norway ka gaareen arinta dib ucelinta qaxootiga ee saameesay Soomaalida.

Dhamaan xisbiyada Siyaasada ee Norway ayaa heshiiskaan udhan hasa yeeshe arinta anfariirka iyo dhaga taaga ku riday jaaliyada Soomaalida ayaa ah kadib marki ee maqleen in xisbiga FRP iyo Xisbka Ap ee Shaqaalaha oo isaga had iyo jeer kushubta codka dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan Soomaalida ee si siman uwada saxiixeen heshiiskaani.

Walaal Xiildhibaan Aqoonyahan, waxa ee dadka Soomaaliyeed ee lasoo deristay caqabada heshiiska uu xisbigaaga saxiixay ee kaaga baahan yihiin ficil la taaban karo ee kaagama baahna mire habaabinta bulshada intooda aan aqoonta balaaran ulaheen luqada Norwejiyaanka ee aan in badan aqrin mediyaha dalka Norway.

Nasiib darada kale ee heesata Soomaalida Norway ayaa ah in ee codkooda gacanta ugalay kooxo siyaasyiin iyo ururo kufuran magaca Soomaalida laakin ku howlgala qaab qabiil oo aan wax ficil ah usameenin hadaba dadka Soomaalida ah ee kudhibaateesan dalka Norway.’

Kooxahaa ku qaraabta magaca Soomaalida ee isugu jira siyaasyiin iyo shaqsiyaad hor boodaya ururada Jaaliyada Soomaalida ayaa dhamaan wada ah Soomaalida xili hore soo galay wadanka Norway isla markaana aan isku arkin iney qeyb ka yihiin walaaca xiligaani heesta dadka Soomaalida.

Walaaca maanta heesta qeyb kamid ah jaaliyada Soomaalida dalka Norway ayaa hadaan si isku mid ah loogu gurman waxa uu yeelan doonaa wajiyo badan taasi oo sababi doonto in si siman looga wada dareemo guri walba oo Soomaaliyeed oo maanta eesan dhibaatada saameen ku laheen.

Xalka kaliya ee caqabadaan iminka soo wajahday Jaaliyada Soomaalida Norway ayaa ah iney hurdada ka kacaan eena si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeestaan sidi xal looga gaari lahaa dhibaatadani isla markaana ee ku kadsoomin dad dano gaar ah ka dhax arkay baahidiina.
Soomaaliyeey Toosa oo kaca

M. M. C.
E-Mail. Qubanaha@hotmail.com
Oslo-Norway


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip