SAFARKII BAQDINTA. (Qorme dhab ka hadal ah) "Cabdiraxiin Ciise Cadow"

0
Monday January 02, 2017 - 01:07:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAFARKII BAQDINTA. (Qorme dhab ka hadal ah) "Cabdiraxiin Ciise Cadow"

    Caawa oo kale 10 sano ka hor waxaan ka baxay aniga iyo saaxibo kale oo aan ka wada tirsaneyn Maxkamadihii Islaamiga ahaa Degmada dhoobley waxaana ka gudubnay xadka Somaliya iyo Kenya kadib markii xamar aan uga cararnay ciidamadi Ethopia ee ka qabsada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caawa oo kale 10 sano ka hor waxaan ka baxay aniga iyo saaxibo kale oo aan ka wada tirsaneyn Maxkamadihii Islaamiga ahaa Degmada dhoobley waxaana ka gudubnay xadka Somaliya iyo Kenya kadib markii xamar aan uga cararnay ciidamadi Ethopia ee ka qabsaday Maamulkii maxkamadaha.


Waxaan raacnay xiligi makhribka gaari land Rover ah oo aan aad u hagaagsaneyn oo ay wataan qolo mukhalasiin ah oo dadka u kala gudbiya wadamada kenya iyo Somalia. Waxaana nala saarnaagaariga dad si caadi ah ugu kala gooshaye kenya iyo Somaliya oo aan nala socon. Waxaana galanay gudaha Xadka Kenya makhribki kadib. Waxaana noo billwday safar baqdin badan. Xoogaa markaan soconay waxaa jidka noo galay qolo xoolo dhaqto ah oo hubeysan. Waan istaagnay waxayna bilaabeen handadaad iyo ereyo kale. Waxayna la soo degeen dhowr qof waxayna na weydiidteen lacag. Ugu danbeyn waan bixinay lacagti weyna na fasaxeen.

Xoogaa markaan soconaba waxaan arkeyne iftiin gawaari waxaana u qaadaneynay ciidanka Kenya. Balse ma arag wax ciidan ah. illaa subaxdi aan ka gaarno duleedka xerada qaxootiga IFO. Gaarigii ayaana cilad ku timid waxaana lug ku galnay gudaha Xeradaas.
Waxaana galnay xeradaas subaxdi qayaasti 08:00 subaxnimo. 01.01.2007.


Sheekada maxkamadaha iyo dhacdooyinkeedi ma ahan wax yar waana taariikh dheer oo wajiyo badan laheyd una baahan qormooyin kale balse Waxaana xusuus gaar ah ii ah in sanadkii 2007 ow iigu dhashay inta u dhaxeysa Dhoobley iyo xeryaha qaxootiga dhadhaab aniga oo dalkeygi leyga soo ceyrshay.

Ragi ilo socday habeenkaas oo aan safarka wada galnay waa Madax hadda intooda badan qaarna waa ganacsato. Qaarna waa dhinteen. ALLAHA u naxariisto...

W-Q. Cabdiraxiin Ciise Cadow, Afhayeenki hore ee ururki Maxakamadaha Islaamiga
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip