PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?)

0
Monday January 02, 2017 - 01:30:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?)

    Magaalada Pretoria ee dalka South Africa waxaa ka dhacday arrin layaab leh, kaddib markii nin Soomaali ah uu xaaskiisa ku dilay kaddibna isagii is dilay, iyadoo iminka meydka lamaanayaasha ay baaritaano ku hayaan ciidamada Booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Pretoria ee dalka South Africa waxaa ka dhacday arrin layaab leh, kaddib markii nin Soomaali ah uu xaaskiisa ku dilay kaddibna isagii is dilay, iyadoo iminka meydka lamaanayaasha ay baaritaano ku hayaan ciidamada Booliska.

 


Guddoomiye K/Xigeenka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika C/llaahi Sheekh Mahdi (Timacadde) oo saxaafadda u waramayay ayaa sheegay in falkani uu yahay mid ku cusub Soomaalida degan dalka South Afrika.

"Waa dhacdo ku cusub Soomaalida degan dalkaan oo markoodii hore isku dili jiray arrimo ganacsi iyo dhaqaale ku saabsan” ayuu yiri Mudane Timacadde oo sheegay in dilka uu geystay ninkaan lala xiriirinayo kaddib markii uu ka war helay in xaaskiisa loo guurinayay nin kale.

Ninkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan ayaa markii uu u tegay xaaskiisa oo u dashay hal gabar iyana magaceeda lagu soo gaabiyay Deeqa muran dhex maray, taasi oo sababtay inuu dhowr xabadood kala dhacay dhinaca madaxa halkaasina ay ku geeriyootay.

Guddoomiye K/Xigeenka jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ninkii oo ka booday saqafka kore ee guriga markii uu arkay ciidamo Boolis ah Bastooladii uu watay madaxa isaga dhuftay.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip