Banaanbaxyo Waa Weyn Oo Hada Ka Socda Muqdisho & Gobolada Dalka

0
Thursday February 09, 2017 - 12:07:12 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbaxyo Waa Weyn Oo Hada Ka Socda Muqdisho & Gobolada Dalka

    Waxaa hada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Daljirka Daahsoon ka socda Banaanbax xoogan oo lagu taaageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Daljirka Daahsoon ka socda Banaanbax xoogan oo lagu taaageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dadweyne isaga kala yimid 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa dhigaya Banaanbaxan, waxaana ay yihiin kuwo aad ugu faraxsan guusha uu gaaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Banaanbaxa hada ka socda Xarunta Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ayaa ah mid aad u xoogan sidoo kalena dadka Banaanbaxa dhigaya ayaa waxa ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo, kuna qeylinayaan ereyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Dhanka kale Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay ila iyo hada waxa ay kor u ridayaan Rasaas, maadaama ay taageero weyn u hayaan Madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Farmaajo.

Gobolada Dalka qaar ayaa iyana waxaa hada ka socda Banaanbaxyo waa weyn oo lagu lagu taaageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip