Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Komaandooska Soomaaliya Ciidamada PIS ee maamulka Puntland iyo Ciidamada Nabad Sugida Galmudug iyo Ururka Al Shabaab ayaa galabta ka dhacay Deegaanka Ceel-cabdi oo u dhaxeeya Deegaanada Caad iyo Camaara ee Gobolka Mudug.
Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay jidka u galeen Ciidamada Huwanta ah oo dhankooda ku wajahnaa Deegaanka caad oo u dhow Degmada Xarardheere oo Al Shabaab ay ku xoogan yihiin.
Al Shabaab ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay ka difaacdaan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo Ciidamada PIS ee maamulka Puntland iyo Ciidamada Nabad Sugida Galmudug ay doonayay in ay la wareegaan.
Dad ku sugan Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Dagaalka uu xooganaa islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaal Faraha Looga Gubtay Oo Galabta Ka Dhacay Ceel-cabdi
Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Komaandooska Soomaaliya Ciidamada PIS ee maamulka Puntland iyo Ciidamada Nabad Sugida Galmudug iyo Ururka Al Shabaab ayaa galabta ka dhacay Deegaanka Ceel-cabdi oo u dhaxeeya Deegaanada Caad iyo Camaara ee Gobolk