Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magacaabay Xilalkii ugu horeeyay kadib markii uu maanta si rasmi ah ula wareegay Taliska Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya oo loo magacaabay Dr. Cali saciid Fiqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ,
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada Villa oo loo magacaabay Siyaad Maxamuud Shire Siyaad oo horey u ahaa Qunsulka Guud ee Jeddah, ka horna Qunsulka Nairobi, waxaa horay ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaarayaal hore.
Madaxweyne Farmaajo ayaa La Taliyihiisa Amniga Qaranka u magacaaday Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka.
Xubnahaan maanta la magacaabay ayaa noqonaya xubnaha cusub ee ka shaqeya Madaxtooyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Magacaabay 3 Xil