Ciidanka Nabad Sugida Oo Qabtay Kooxo Dilal Kala Duwan Geystay Maanta

0
Saturday February 18, 2017 - 16:09:01 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Nabad Sugida Oo Qabtay Kooxo Dilal Kala Duwan Geystay Maanta

    Wararka aan ka heleyo Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi goordhow Ciidanka Nabad Suggida ay ku qabteen Dabley hubeysan oo maanta siyaabo kala duwan weerar uga geystay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyo Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi goordhow Ciidanka Nabad Suggida ay ku qabteen Dabley hubeysan oo maanta siyaabo kala duwan weerar uga geystay Magaalada Muqdisho.

Dableyda hubeysan oo watay gaari nuuciisa lagu sheegay Prada ayaa maanta labo weerar oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay uga fuliyeen Agagaarka Isgooska Ceel Gaabta iyo meel ku dhaw Isbitaalka Digfeer.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay Isgooska Ceeb-gabta ee Degmmada Xamar Jajab waxaana lagu dhaawacay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaran Soomaaliya Xasan Dheere sidoo kale weerarkasi waxaa lagu dilay mid kamid ahaa ilaalada Taliyihii la dhaawacay.

Weerarka kan xigay ayaa waxaa isna lagu Qaarijiyay Allaha u Naxariistee Afhayeenkii hore ee maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey waxaana weerarkaani uu ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Weeraradan maanta siyaaboyinka kala duwan uga kala dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu Khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip