Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safiir Cusub Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay + Sawirro

0
Saturday February 18, 2017 - 22:31:32 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safiir Cusub Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingariiska u soo magcaabdey Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingariiska u soo magcaabdey Soomaaliya.

waa safiirkii ugu horreeyey ee uu madaxweynaha J.F. S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoommo, safiirka dowladda Ingariiska Danjire David William Concar, waxaana looga guddoomay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee dowladda Ingariiska ayaa wada qaatay kulan, waxa ay ka hadleen xiriirka labada dowladooda iyo sii amba-qaadidda wada shaqeyn ka dhaxeya.

Sidoo kale waxaa laga hadlay taageerada Ingariiska Soomaaliya uu siiyo ee dhinacyada amniga, ciidanka, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda, madaxweynaha ayaana uga mahadceliyey arrimahaasi.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Soomaaliyo iyo Ingariiska uu ka dhaxeeyo xiriir weyn oo dhan walba leh, isla markaana ay hadda sii wadi doonaan iskaashiga ku saleysan diblomaasiyadda iyo taageerada looga baahan yahay.

David William Concar Safiirka cusub ee dowladda Ingariiska, ayaa sheegay in kulanka isaga iyo madaxweynaha ay isku soo qaadeen in si dhab ah loo xoojiyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ay siiyaan, dhowaanna la qaban doono shir looga hadlayo siyaasadda Soomaaliya.

"Maanta, waxaa la iga guddoomay anigoo ah safiirka Uk ee Soomaaliya warqadaha, taasna waxa ay daliil u tahay taageerada ballaaran ee aan Soomaaliya u heynno,

Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay amniga iyo sida ay muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo, waxaa xusid mudan in la aan si qiiro leh uga hadalnay Mdaxwyenaha abaaraha ka jira Soomaaliya oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, taasna waan ka wada shaqeyn doonnaa, waxaa jira shir weyn oo siyaasadda Soomaaliya looga hadlayo oo ka dhici doona bisha May magaalada London, wax badan ayuu tari doona shirkaas, Soomaaliya waxaa ka muuqda horumar weyn oo aan ku wada faraxsanahay” ayuu yiri safiirka dowladda Ingariiska ee Soomaaliya David William Concar.

Soomaaliya iyo Ingariiska taariikh fog ayaa ka dhaxeysa, waxaana muuqda hadda ay dowladda Ingariisku waddo dedaallo ay uga qeyb-qaadeyso horumarka iyo dhismaha Soomaaliyada cusub.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip