Waxaa hada si Rasmi ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni kaga bilaabatay Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadan ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geeelle, Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxweyne ku xigeenka Suudaan iyo xubno kale.
Waxaa sidoo kale Xarunta ay ka socoto Munaasbadan Xaflada Caleemo Saarka ku sugan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkaasi ka jeedin doona khubado koo kooban.
Ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso xaflada Caleemo Saarka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana feejignaan dheeri ah ku jira Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka.
Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Oo Hada Bilaabatay + Sawirro