Maamulka Ahlusunna Waljameeca Oo Soo Dhaweeyay Hadal Kasoo Baxay Madaxweyne Farmaajo

0
Thursday March 02, 2017 - 21:57:51 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Ahlusunna Waljameeca Oo Soo Dhaweeyay Hadal Kasoo Baxay Madaxweyne Farmaajo

    Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay si aad ah u soo dhaweynayaan hadalkii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federallka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaa oo ahaa in dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka kor loo qaadi d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay si aad ah u soo dhaweynayaan hadalkii kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federallka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaa oo ahaa in dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka kor loo qaadi doono.

Isxaaq Mursal Gees-dheere oo kamid ah Mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna Waljameeca oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu farxo, maadaama Wadan walba uu ku hormaro dhismaha Ciidanka, taasina ay tahay muhiim si guulo loo gaaro.

Waxa uu sidoo kale sheegay Sheekh Isxaaq Mursal Gees-dheere oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ahlusunna in hadii ay yihiin maamulka Gobolada Dhexe ay Ciidankooda ku biirin doonaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Si kastaba Hoggaanka cusub ee Dalka ayaa waxaa uu Muujiyey in ahmiyad gaar ah uu siin doono Ciidamada Dalkeena ayna ilaalin doonaan xuquuqda Ciidanka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip