Maamulka Gobolka Banaadir Oo Amar Culus Soo Saaray

0
Wednesday March 08, 2017 - 12:56:15 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 2123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir Oo Amar Culus Soo Saaray

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta tagay Suuqa weyn Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo uu dhawaan ka kacay dab xoogan oo baa'biyey in kamid ah hantida Suuqaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta tagay Suuqa weyn Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo uu dhawaan ka kacay dab xoogan oo baa'biyey in kamid ah hantida Suuqaasi.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la kulamay qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha, oo uu kala hadlay wadooyinka Suuqa iyo sidii loo furi lahaa si hadii dab uu kaco si loo helo wadooyin loo maro xilli wadooyinka suuqaasi ay yihiin kuwo mashquul badan.

Gudoomiye Jimcaale ayaa si gaar ah ula hadlay Shirkadaha Kotontada ee Suuqaasi waxa uuna ku amray in Korontada ay gilinayaa Suuqa ay marsiiyaan dhulka hoostiisa si loo yareeyo dhibaatooyinka la xariira dabka oo dhoor-jeer siyaabooyin kala duwan uga kacay Suuqa Bakaaraha .

Booqashada Suuqa Bakaaraha uu maanta ku tagay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaaneysa xili Suuqaasi uu dab xoogan ka kacay bishii hore oo geystay waxyeelo badan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip