SOOMAALIYA:- SHALEY MACAAWISTA KA DHEX BAX, MAANTA XILKA KA DHEX BAX, BERRI…?

0
Saturday April 15, 2017 - 11:03:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIYA:- SHALEY MACAAWISTA KA DHEX BAX, MAANTA XILKA KA DHEX BAX, BERRI…?

    Saf balaaran oo xil ka qaadis ah ayaa socda, olole lagu xiddido siibayo madaxdii hore ayaa la wadaa, ruux horey u soo shaqeeyey oo la cafinayo ma jiryo, isbadal aan naxariis laheyn ayaa Hay'ad walba lagu qaadey, lama sheegin masuul la dhaafayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saf balaaran oo xil ka qaadis ah ayaa socda, olole lagu xiddido siibayo madaxdii hore ayaa la wadaa, ruux horey u soo shaqeeyey oo la cafinayo ma jiryo, isbadal aan naxariis laheyn ayaa Hay'ad walba lagu qaadey, lama sheegin masuul la dhaafayo, haraadi aan loo baahneyn ayaa loo aqoonsadey madaxdii ka horeysay Dawladda cusub ee iminka jirta.


8-dii Febraayo ayuu isbadalku soo bilowday markii si lama filaan ah looga adkaadey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, maalmo kadib waxaa kala HUF iyo kala HAATIN lagu sameeyay Agaasimayaashii iyo hawl wadeenadii Madaxtooyada Qaranka {Villa Somalia}, isbadalkii ugu weynaa wuxuu soo daahirey markii daaqada laga wada saarey Golihii hore ee Dawladda, Wasiir wax soo qabtey xitaa lama dhaafin, qoorta ayaa masuul walba laga soo qabtey, bannaanka ayaana loo soo tuurey.

Toddobaad kadib isbadalkii waa labba kacleeyay, si deg-deg ah wuxuu u galaaftey qeybihii Amniga ee Wadanka, dharaar cad ayaa cirka loo fiiriyay Taliyaashii Ciidamada Qalabka Sida, hal maalin ayaa dhamaantood albaabka laga bixiyay, Gudoomiyihii G/Banaadir ahna Duqii Magaalada Muqdisho ayaa biyo raacis looga dhigay oo afka ciida loo darey, Maareeyayaashii Airport-ga iyo midkii Dekadda Muqdisho ayaa iyaguna daadku qaadey, Taliyihii Booliiska G/Banaadir ayaa isna xalay hawada lagu cunay oo xilkii laga xayuubiyay, bahda Garsoorka iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha ayay haatan seeftu dul saaran tahay, raggii hore jidkii la mariyay ayaa sugaya.

Isbadalku ma joogsan doono, shaqsi la reebayo ma jirto, kacaanka halkiisa ayuu ka sii socon doonaa ilaa laga badalo NADIIFIYAYAASHA {Dhul xaaqayaasha} iyo WAARDIYAASHII la soo shaqeeyay Dawladihii Dalka soo marey, eedo kala duwan ayaa loo jeediyay madaxdii xilka laga qaadey, intooda badan Musuq-Maasuq iyo wax qabad la’aan ayaa la sheegay inay jagooyinkoodii ku waayeen.

Waqtiyadii la soo dhaafey waxay noqdeen maalmihii xil ka qaadista iyo xil la wareegida Soomaaliya, faanoole fari kama qodna, isbadalku waa sii xoogaysan doonaa illaa laga gaaro gunta hoose ee shaqaalaha, ixtiraam daro, xushmo la’aan iyo hanaan ku dhisan deg-deg ayaa xilka looga wareejiyay madaxdii xil ka qaadista lagu sameeyay, xaflado heerkoodu hooseeyo ayaa lagu dirqiyay madax badan oo si boobsiis ah xilka looga qaadey.

Sheeko la magac baxdey "MACAAWISTA KA DHEX BAX” ayaa ka jiri jirtey Soomaaliya xilligii bur-burka, macruuf ayay aheyd sheekadaasi waxaana adeegsan jirey Maleeshiyaadkii beelaha, qofkii Isbaaro ku dhaco oo la doonayo in la furto ayaa la oran jirey Macaawista ka dhex bax, caan ayuu noqdey hal hayskaasi wallow markii dambe uu si iskiis ah isaga shiiqey.

Sannado badan kadib ayay haatan u muuqataa in halku dhigii la dhibsadey ee Macaawista ka dhex bax inuu mid la mataan ah soo if baxay, shaley haddii la yaqiinay Macaawista ka dhex bax maanta waxaa timid "XILKA KA DHEX BAX”, nasiib daradaasi waxay dusha kaga dhacdey Wasiiro, Taliyayaal, Maareeyayaal iyo Madax kale oo si Soomaalinimo ah wax u soo qabtey, xaq dhawr la’aan ayaa lagula kacey masuulyiintaasi la eryay, amar waxa lagu siiyay inay si deg-deg ah xilka u wareejiyaan, taasi oo la macno ah Xilka ka dhex bax.

Xilku waa meerto, la yaab ma leh isbadalku hase yeeshee waxaa ayaan daro ah in halkii ummadda looga shaqeyn lahaa in lagu waasho isbadal, waa wax laga xumaado ah in masuulyiin badan oo waxgal ahaa in si fudud xilka looga tirsado isla markaana la keeno dad aan maamul aqoon aheyn, waayo aragnimana aan laheyn.

 

W/Q. Shiiqaalow.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip