Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn laga fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

0
Wednesday October 03, 2018 - 09:53:04 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn laga fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

    Wararka naga soo gaaraya Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in xalay halkaasi deegaan ku yaalla ay ka dhacday duqeyn xoogan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in xalay halkaasi deegaan ku yaalla ay ka dhacday duqeyn xoogan.

Duqeynta ayaa la sheegay in xalay 12:00 habeenimo laga fuliyay deegaanka Basra oo ku yaalla Duleedka Balcad,isla markaana ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya oo ku sugan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in duqeynta laga eegtay Saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Basra,ayna khasaaro gaarsiin Shabaabkii halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale dadka deegaanka Basra ayaa waxa ay sheegeen in xalay ay maqleen jugta Madaafiic xoogan oo ku dhaceeysa Saldhigyada Al-Shabaab ee Basra, isla markaana duqeyntaasi loo adeegsaday hoobiyeyaal iyo qoriga BM-ka loo yaqaan ee ay isticmaalaan Ciidamada dowlada.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacday deegaanka Basra ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,taasi oo lala eegtay Dagaalyahano ka tirsa Ururka Al Shababaab,balse uu jiro Khasaaro kala duwan.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip