
Dadweynaha magaalooyinkaas ayaa ka cabanaya guuxa diyaaradahaas oo jawi hoose ku duulaya, waxana dadka qaarkiis ay ka carareen guryahooda meelaha ay gacanta ku hayaan Shabab iyagoo ka cabsi qaba in la duqeeyo maleeshiyadka Shabaab.
Xoogaga Al-Shabab ayaa si wayn uga digtoon duqaynta diyaaradaha Maraykanka, waxayna ka bexeen dhamaan goobihii ay qabsadeen ee muhiimka ahaa siga garoonka Istaadiyo Muqdisho, xarunta Xisbiga, Wasaarada Gaashandhiga iyo meelaha la mid ah, waxayna difaacoda dhigteen xaafadaha ku heeran goobahaas, si ay uga digtoonaadaan weeraro xaga cirka ah ee lagu soo qaado.
Diyarahaadi dul heehabaya jowhar & Mogdishu maalin & habeen ayaa waxa ay kusoo aadayaa xilli gacan ku heynta inta badan muqdisho shabeelaha shexe gacanta u gashay shabaab
Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo dul heehaabaya Muqdisho & Jowhar...
Ka gadaal markii ay gacanta ku dhigeen xoogaga Al-Shabaab inta badan magaalada Muqdisho iyo degmada Jowhar oo dhan ayaa waxa soo kordhaya diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee dul heehaabaya magaalooyinkaas habeen iyo maalin.