Dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa digniin u diray dalladaha waxbarashada ee ka jira dalka kuwaas oo ay sheegtay in ay wada shaqeyn dhow la leeyihiin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ah Afhayeenka Al-shabaab ayaa waxa uu sheegay in Al-shabab ay heyso talooyinkii ugu dambeeyay ee ay Dalladaha siiyeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ciddii aan ka waantoobinna ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Waxaa uu Cali Dheere sheegay in ay Iskuullada iyo Jaamcadaha ka mid yihiin meelaha ay beegsanayaan hay’adaha shisheeye ee faafinaya aragtiyo kale sida uu yiri,waxaana uu tusaale u soo qaatay Hay’adda UNESCO oo uu sheegay in Manhaj wax u dhimaya caqiiqadda Islaamka ay ku faafineyso dugsiyada waxbarashada iyo Jaamadaha.
Afhayeenka Ururka Al-shabaab ayaa uga digay Mas’uuliyiinta Dalladaha ee wada shaqeynta hoose la leh dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kale,waxaana uu ku hanjabay in ay tallaabo ka qaadayaan ciddii ka soo horjeesata.
Dhageyso:-Afhayeenka Al-shabaab oo ka Naxsaday Dalladaha Waxbarashada ee dalka
Dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ayaa digniin u diray dalladaha waxbarashada ee ka jira dalka kuwaas oo ay sheegtay in ay wada shaqeyn dhow la leeyihiin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.