Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Jowhar

0
Monday October 15, 2018 - 10:00:49 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Jowhar

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ku wajahan Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ku wajahan Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku tagaayo Jowhar aya waxaa ku wehlin doono xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Ujeedka Maanta uu u gaarayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Magaalada Jowhar ee Caasimadda mamaulka Hirshabeelle ayaa waxa ay tahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Madaxda Hirshabeele iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jowhar.

Ammaanka Magaalada jowhar ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana iska kaashanaya Ciidamada dowlada,AMISOM iyo kuwa maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamo farabadan oo ah kuwa koofiya casta ee Madaxtooyadda Soomaaliya la dhigay Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jowhar,kuwaasi sugida amniga ka qeyb qaadanaya.

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaare kheyre ku tago Magalada Jowhar,waxaana markii ugu horeysay uu tagay Xafladii Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.





 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip