Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka cusub ee QM ee Soomaaliya

0
Tuesday October 16, 2018 - 12:25:47 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo la kulmay Wakiilka cusub ee QM ee Soomaaliya

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho madaxa hawlgalka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dalka soo gaaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho madaxa hawlgalka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dalka soo gaaray.

Kulan muhiim ah oo labada dhinac wada yeesheen kadib, ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in ergaygan cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay isla soo qaadeen adkeynta xiriirka ka dhaxeeya, arrimaha Siyaasadda iyo horumarada la gaaray siddeedii bilood ee la soo dhaafay ee xilka uu hayay maamulkiisu.

"Qaramada Midoobey waxa ay Soomaaliya ka caawisaa arrimo badan, maamulka Gobolka Banaadir-na wuxuu adkeeyey xiriirka aan la leenahay hay’adaha kala duwan ee QM. Wakiil Haysom waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka naga dhaxeeya ee arrimaha Siyaasadda, horumarka Caasimadda iyo kaalinta uga aadan”.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu hambalyeeyey masuuliyadan cusub iyo waajibaadka culus ee horyaala, isla markaana waxuu ku celiyey in maamulkiisu uu diyaar u yahay wax walba oo gacan ka geysanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhinaciisana, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ee uu ka helay Duqa Muqdisho, kuna ammaanay doorkiisa hogaamineed ee horumarka caasimada ka jira. Waxaana wakiilku cadeeyay in UNSOM ay noqon doonto mid u adeegta danaha guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip