Sawirro:-RW Soomaaliya oo Amar deg deg ah siiyay mid kamid ah golihiisa Wasiirada

0
Tuesday October 23, 2018 - 14:42:12 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-RW Soomaaliya oo Amar deg deg ah siiyay mid kamid ah golihiisa Wasiirada

    Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin Ururka Al-shabaab ee gumaada caruuta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagantahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan loona soo af-jaro ficillada gurracan ee ay wadaaan Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka been sheegayaan diinta, diinteennuna aysan ogolayn in caruur la dilo ama qarax lagu soo xiro, waxa uuna intaa raaciyay in hadii ay dhab ka tahay diinta ay sheegayaan ay iyagu is qarxin lahaayeen ama caruurtoodda ay qaraxyada u adeegsan lahaayeen.

Ra’iisul wasaaaraha ayaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciida Soomaaliyeed.

Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayanta ciidanka iyo isla xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan soo af-jaridda Al-shabaab oo ah cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip