Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka Norway ee Soomaaliya

0
Saturday October 27, 2018 - 17:19:04 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka Norway ee Soomaaliya

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb: verbjorn Hines.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb: verbjorn Hines.

Labada Mas”uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Norway.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii loo diyaarin lahaa barnaamijyo lagu hormarinayo Golaha shacabka laguna xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan.

Safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb verbjorn Hines ayaa sheegay in Dowladda Norway mar walbo garab taagan tahay Golaha shacabka.

"Mudane guddoomiye waxaan kaaga mahad celinaya sida diiran ee aad xafiiskaaga igu soo dhoweysay, Dowladda Norway iyo shacabkeeda waxa ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay garab istaagaan mar walbo, waxan kuu balan qaadaya howlaha aan hada wadno inan sii balaarino”. ayuu yiri Amb verbjorn Hines.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaay xiriirka wanaagsn ee Soomaaliya kala dhaxeeya Dowladda Norway.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dowladda Norway ay Baarlamaanka Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan.

"Dowladda Norway waxa ay ka mid tahay Dowladdaha Baarlamaankeena si wanaagsan u taageera uguna caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah howlaha aan wadno”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Labada Ma”suul ayaa ku balamay in la qabto kulamo heer farsamo ah oo lagu diyaarinayo mashaariic ka turjumeysa waxqabadka in la kordhiyo iyo in la fuliyo wixii lagu balamay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip