Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in galabta halkaasi uu ka dhacay xoogan.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu dhexmaray Ciidamada Amniga Jubbaland iyo ciidamo kale oo hab beeleed u abaabulan,waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Amniga Jubbaland Madaafiic xoogan ay ku gaaareen xaafad cusub oo Kismaayo ku taalla,halkaasi oo guri ku yaalla Ciidamada hab beeleedka u abaabulnaa ay galeen.
Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu salka ku hayo amar ka soo baxay Maanta ka soo baxay wasiirka Amniga Jubbaland,kaasi oo ahaa in hub aan lagu dhex wadaan Karin Gudaha Magalada Kismaayo.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Afar Ruux oo mid ka mid ah uu yahay Nabadoon Caanka ahaa Magalada Kismaayo uu ku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale ma jiro wax war oo kasoo baxay maamulka Jubbaland ee aadan dagaalkan ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in galabta halkaasi uu ka dhacay xoogan.