Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan Khadka ah la qaatay Dhigiisa Kenya

0
Sunday October 28, 2018 - 10:15:49 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan Khadka ah la qaatay Dhigiisa Kenya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS C/nuur Maxamed Axmed ayaa SONNA u sheegay in Madaxweynaha uu lasoo qaaday dhigiisa dalka Kenya dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay.

Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay sidoo kale, ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Mudane Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip