Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta la kulmay Wakiilada QM & Midowga Afrika

0
Wednesday October 31, 2018 - 15:11:31 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta la kulmay Wakiilada QM & Midowga Afrika

    Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa Maanta gaaray wafdi ay hogaaminayeen Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Nicholas Haysom iyo Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Ambassador Franciso Madeira,iyadoo ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa Maanta gaaray wafdi ay hogaaminayeen Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Nicholas Haysom iyo Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Ambassador Franciso Madeira,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan markii ay gaareen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay oo uga hortegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Soo dhaweyn kadib Nicholas Haysom iyo Ambassador Franciso Madeira ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Baydhabo,iyagoo kulamo la qaatay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka labada dhinac u dhexeeyay ayaa intii uu socday waxa ay uga hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Mas’uuliyiintaan ayaa Maalin ka hor waxaa ay Magalada Kismaayo kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland,iyaga oo isku soo afgartay in la dhameeyo khilaafka,waxaana shalay sidoo kale ay la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waari oo dhawaan heshiis la galay Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip