Wafuud Caalami ah oo Maanta ku Wajahan Gaalkacyo iyo ujeedka oo la shaaciyay

0
Monday November 05, 2018 - 10:21:22 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafuud Caalami ah oo Maanta ku Wajahan Gaalkacyo iyo ujeedka oo la shaaciyay

    Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in ay gaaraan xubno ka tirsan Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in ay gaaraan xubno ka tirsan Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka.

Shalay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa gaaray Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyadoona halkaasi uu ka furmi doono kulan looga hadlaayo xaaladda Galmudug.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa la filayaa inuu Maanta ka dego Magaalada Gaalkacyo, isagoona la kulmi doono Madaxda ugu sareysa ee maamulka Galmudug ee hada ku sugan Magaaladaasi.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka waa weyn ee Magaalada la dhigay Ciidamo badan oo Boolis ah,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale 7 Bishan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir lagu dhex-dhexaadinayo Khilaafka ka dhex aloosan Madaxda ugu sareysa ee maamulka Galmudug,kuwaasi oo hadda kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip