Wax badan ka Ogow Sababaha ay isku casileen Guddiga Doorashooyinka KGS iyo wararkii ugu dambeeyay Baydhabo

0
Tuesday November 06, 2018 - 09:13:11 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax badan ka Ogow Sababaha ay isku casileen Guddiga Doorashooyinka KGS iyo wararkii ugu dambeeyay Baydhabo

    Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay gashay marxalad kala duwan kadib markii xilalka ay iska casileen Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed,ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Guddi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay gashay marxalad kala duwan kadib markii xilalka ay iska casileen Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed,ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaasi.

Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in sababaha ugu weyn uu isku casilay ay tahay faragelin dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku heyso Doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa is casilay Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahaad Mohamed Ciise,iyo Xubno ka tirsanaa Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Xubnahan is casilay oo tiro ahaan gaaraya 15 ayaa waxa ay ku sheegeen in dowladda federaalka faragelin toos ah ku heyso doorashada Koonfur Galbeed taasina ay sabab u noqotay is casilaadooda.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhamaanayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xalay saqdii dhexe Wareegto uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday Wasiiru dowlihii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee maamulkaasi.

Sababta ugu weyn ee xilka looga qaaday wasiiru dowlihii wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Abba Awow Suufi ayaa waxa ay tahay in uu sameeyay Aflagaado,isla markaana uu ku xadgudbay nidaamkii u yaallay wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar kale oo ay Shabakada Warsheekh Baydhabo ka heleyso ayaa sheegaya in uu xilka iska Casili doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Sidoo kale Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo Madaxweyne Shariif Xasan uu kaga dhawaaqo inuu isaga harayo u tartanka doorashada Madaxtinimda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.



Wixii kusoo kordha wararkan Shabakada Warsheekh kala soco insha allaah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip