Xasaasi:-Gabar Somali ah oo ku guuleysatay Doorasho kulul oo ka dhacday Mareykanka

0
Wednesday November 07, 2018 - 09:04:47 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasaasi:-Gabar Somali ah oo ku guuleysatay Doorasho kulul oo ka dhacday Mareykanka

    Ololihii loogu jiray in Ilhan Cumar,mar un ay kamid noqoto golaha aqalka hoose ee Congresma Mareykanka ayaa soo afjarmay,waxaan guul taariikhi ah laga gaaray in Ilhaan ay hesho xubin-nimada congresska Mareykanka kadib doorashadii ka dhacay Gobolka Mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ololihii loogu jiray in Ilhan Cumar,mar un ay kamid noqoto golaha aqalka hoose ee Congresma Mareykanka ayaa soo afjarmay,waxaan guul taariikhi ah laga gaaray in Ilhaan ay hesho xubin-nimada congresska Mareykanka kadib doorashadii ka dhacay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Doorashada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan oo iyagana ku guuleystay in ay kamid noqdaan Aqalka hoose ee baarlamanaka gobolka Minnesota.

Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey.

Waxaa loolan adag uu ka dhexeeya labada xisbig ee Mareykanka,waxaana Guud ahaan doorashada ay u muuqataa mid ay ku kala qeybsadeen ololaha,Xisbiga Dimoqraadigu wuxuu qaatay Aqalka Hoose, halka xisbiga kale ee Jamhuuriguna uu adkeystay Aqalka Senate-ka ee Dalkaasi Mareykanka.

Bulshooyinka muslimiinta iyo guud ahaan Soomaalida kunool dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa siweyn u soo dhaweeyay talaabada lagu doortay Ilhaan Cumar,iyadoo la hadal hayo in ay ka dhigantahay mid wax badan ka bedeli karta siyaasadda Madaxweyne Trump eek u wajahan dadka soo galootiga.



Xigasho:-Sonna
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip