Sawirro:-Guddoomiye Yariisow oo ka qeyb galay shir Muhiim ah

0
Sunday November 11, 2018 - 15:23:45 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Guddoomiye Yariisow oo ka qeyb galay shir Muhiim ah

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo F

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka, iyadoo furitaankiisa uu khubad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Duqa Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay Caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti martiqaadka iyo soo dhaweynta walaaltinimo.

"Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah .”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa casuumaad rasmi ah ugu fidiyey magaalada Muqdisho dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuti Maxamed Cali Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha, loona yeelan lahaa wadashaqeyn joogtaa.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip