War Deg Deg Ah:-Maamule Iskuul oo goordhow lagu dhex dilay xafiiskiisa

0
Tuesday November 27, 2018 - 11:13:06 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 2696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Maamule Iskuul oo goordhow lagu dhex dilay xafiiskiisa

    Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay ku waramayan in goordhow halkaasi lagu dilay Mid ka mid ah Maamulayaasha Iskuul ku yaalla halkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay ku waramayan in goordhow halkaasi lagu dilay Mid ka mid ah Maamulayaasha Iskuul ku yaalla halkaasi.

Dad ku sugan Degmada Afgooye ayaa waxa ay inoo sheegeen in maamulaha lagu dhex dilay Xafiiskiisa ,waxaana dilka ku fuliyay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,iyagoona durbo goobta ka baxsaday.

Maamulaha la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Ustaad Cabdalla,kaasi oo kamid ahaa Maamulayaasha sida weyn looga yaqaano gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Afgooye ayaa waxaa la sheegay in ay tageen Xarunta iskuulka ee lagu dhex dilay maamulaha,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaar kamid ah Ardaydii joogtay Iskuulka ay kala carareen,waxaana haatan ku sugan gudaha Iskuulka Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Degmada Afgooye.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Mid kamid ah maamulayaasha Iskuul ku yaalla gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip