Sweden oo soo saareyso sharci cusub oo saameyndoono soo galootiga

0
Saturday May 01, 2021 - 13:33:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sweden oo soo saareyso sharci cusub oo saameyndoono soo galootiga

    Maanta Barlamanka Sweden ayaa loo gudbiya sharciga Cusub ee Dowlada qorsheeneyso kaasi oo dhaqan galaya bisha July.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Barlamanka Sweden ayaa loo gudbiya sharciga Cusub ee Dowlada qorsheeneyso kaasi oo dhaqan galaya bisha July.
 

Sharciga Cusub ayaa leh saameyn xoogan waxana lagu badalayaa midka hada jira iyadoo sharcigan uu dhibaato ku yahay qaxooti badan oo wadanka iska dhiibaya iyo kuwa hada ku sugan ee jawaabta sugaya.

 
Maxaa ku jira Sharciga Cusub

Sanadkii 2015 Sweden waxaa ka bilowday sharci kaasi oo dadka helay sharciga siinaya deganaansho ku meel gaar ah tusaale 3 sano ama 1 sano qofba sida uu markaasi nasiibkiisa noqdo lakin dadka badan kooda ayaa helay 3 sano lakin Sharcigaasi kumeel gaarka ayaa ah mid mudo kooban soconaya oo looga baxayo xaalada.

Dowlada ayaa hada wada qorshe lagu badalayo sharcigaasi lagu meel gaaray tan iyo sanadkii 2015 lakin dhibka jira ayaa ah in Sharciga sida rasmiga loo isticmaalayo uu ku jiro Qodobadan.

1 in Qofka Sharciga hela la siiyo mid ku meel gaar ah oo 3 sano ah.

2 in qofka 3 sano gudaheeda uu helo karo midka rasmiga hadii uu nolol ahaan isku filnaado ama luuqada barto sidoo kale bulshada uu dhex-galo.

3 Qofka wadanka ku sugan ee diidmada la siiyo in uu wadanka sii joogi karo xaalad bini’aadantinimo.

4 iyo Caruurta aanan lala socon ee diidmada hela loo ogolaado joogitaanka wadanka sidoo kale.

Qodobo badan ayaa ku jira sharcigan sida rasmiga dowlada u isticmaaleyso isla markana bilaabanaya sanadkan gudihiisa inkastoo ay wali jiraan dhaliilo xoogan oo loo jeedinayo.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip