Jubbaland: "Farmaajo ha wareejiyo xilka amaanka guud"

0
Sunday May 02, 2021 - 16:17:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland: "Farmaajo ha wareejiyo xilka amaanka guud"

    Jubbaland ayaa ku eedeeysay madaxweyne Farmaajo in uusan doonayn inuu arrimaha amniga ku wareejiyo raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumadiisa loo igmaday inay la wareegto masuuliyadda doorashada iyo amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jubbaland ayaa ku eedeeysay madaxweyne Farmaajo in uusan doonayn inuu arrimaha amniga ku wareejiyo raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumadiisa loo igmaday inay la wareegto masuuliyadda doorashada iyo amniga.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Eng, Cabdi Xuseen ayaa caddeeyay in aysan Jubbaland ka qeyb gali doonin shirka raysal wasaaruhu isugu yeerayo saxiixayaashii heshiiskii 17 september, haddii madaxweyne Farmaajo uu wareejin waayo arrimaha amniga

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay madaxweyne Farmaajo inuu doonayo inuu gacmaha kula jiro arrimaha socda uuna rabo inuu raysal wasaaraha ku shaqeeyo rabitaankiisa.

"Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ciidamada isaga ayaa maamula, waana la is horfadhiyaa. Haddii ay daacad ka tahay wareejinta ammniga, waa inuu qoraa warqad uu ku caddaynayo inuu wareejiyay amniga doorashada. Raysal wasaaruhuna waa inuu ciidamada is hor fadhiya kala qaado,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Jubbaland ayaa kamid ah maamulada uu khilaafka xooggan kala dhaxeeya dowladda federalka Soomaaliya, waxayna isku hayaan arrimaha gobolka Gedo. Jubbaland waxay doonaysaa in dowladdu faraha kala baxdo arrimaha Gedo oo loo madax bannaaneeyo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip