RW. Rooble oo gudbiyay dhambaal micno badan xambaarsan

0
Sunday May 23, 2021 - 21:23:31 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW. Rooble oo gudbiyay dhambaal micno badan xambaarsan

    Maalinkii labaad waxaa galay shirka golaha wadatashiga qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee uu guddoominayo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinkii labaad waxaa galay shirka golaha wadatashiga qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee uu guddoominayo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa socda wada hadallada la xiriira arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka dalka iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedinnadii 16-kii February.

Ra'isul Wasaare Rooble ayaa doonaya intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu.

"Ra'isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto." ayuu yidhi Macalimuu

Xafiiska raysal wasaaraha ayaa sheegay in Kulamada Madaxdu ay ku socdaan sidii Ra’isul Wasaaruhu u qorsheeyay oo ay ku jirto in mararka qaar hadii muhiim loo arko in Madaxdu ay ballamo gaar gaar ah sameystaan oo si hoose u wada hadlaan.

Afhayeenka raysal wasaaraha ayaa dhinaca kale beeniyay in ay jiraan qodobo lagu heshiiyay inta uu shirka socday.


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip