Isbeddel lama filaan ah oo ka muuqda xiriirka Qatar iyo Imaaraadka

0
Sunday May 30, 2021 - 23:45:11 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbeddel lama filaan ah oo ka muuqda xiriirka Qatar iyo Imaaraadka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay in ay jirto raja muujineysa in laga gudbayo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Isutagga Imaaraatka Carabta, kadib dhowr jeer oo wadahadallo ay yeesheen labada dal si meesha looga saaro madmadowgii ku dhex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay in ay jirto raja muujineysa in laga gudbayo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Isutagga Imaaraatka Carabta, kadib dhowr jeer oo wadahadallo ay yeesheen labada dal si meesha looga saaro madmadowgii ku dhex jiray.

Saudi Arabia ayaa bishii January ku dhawaaqday heshiis lagu dhammeeynayo khilaafkii keenay in boqortooyada, iyo dalalka Imaaraatka, Masar iyo Bahrain ay xiriirka Qatar jaraan 2017-kii iyagoo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada, eeddaas oo ay Qatar beenisay.

Diblumaasiyiin iyo ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaa sheegay in Riyadh iyo Qaahira ay si ka dhakhso badan dalalka Imaaraatka iyo Baxreyn dib ugu dhisayaan xiriirkii ay la lahaayeen Doha.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa wareysi la baahiyay Jimcihii oo uu siiyay telefishanka Al Araby ee fadhigiisu yahay U.K waxa uu ku sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray wadahadalladii kala dhexeeyay Sacuudiga, oo uu dhowaan booqday amiirka Qatar iyo Masar, oo uu Sheikh Mohammed asbuucii hore wadahadallo kula soo yeeshay madaxda dalkaasi. Waxa uu sheegay in Qatar ay labada dal kala hadlayso iskaashi dhaqaale.

Reuters

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip