“Hadalkan jooji, Ilaahay ma jiree.” Waxaa timid abaar dadka dhib u gaysatay, dadkaasi waxaa ka mid aheyd duqdii mu'minada ahayd. Ninkii mulxidka ahaa ayaa wuxuu maalin maqlay iyadoo Ilaahay (sw) tuugaysa oo leh: “Ilaahayow baahi baa I hayso ee kaalmo I sii. Ilaahayow gaajada naga baabi'i oo barwaaqo noo keen.” Markaas ayuu damcay inuu ku ciyaaro duqda mu'minada ah. Kadib ayuu intuu jawaan reeshin ka buuxiyay saq dhexe u dhigay albaabkeeda. Markay soo kacday ayay aragtay cuntadaan albaabka u taalo. Markaas ayay farax dartii la tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay baa mahad leh.” Mulxidkii ayaa ka soo booday gurigiisa, kuna dhawaaqay: “Haye, ma sheekadaas ayaad keentay? Ilaahayga aad sheegayso ma jiro, cuntana kuma siinin, ee anaa kuu keenay.” Duqdii ayaa intey qososhay, kadib tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay intuu cunto I siiyay ayuu hadana shaydaan iiga soo qaaday.”
Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar.
Fiiro Gaar ah: Qofkii isku xiraa Allaah SW Qofkaas waa qofka kaliya ee liibaanay Adduun iyo Aakhiraba.
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia.
Qiso Cajiib ah oo Dhex Martay Haweeney Alla Cabsi Badan iyo Nin Ilaah-diid ahaa.
Haweeney Duq ah Alla ka cabsi badan ayaa waxay daris la ahayd nin mulxid ah, ama diidan jiritaanka Ilaahay (sw). Mar walbo waxay dadku ku dhahdaa: “Mahad Ilaahay baa leh”. Hase ahaatee ninkii mulxidka ahaa ayaa aad u dhibsaday kalmadaas,