Nolosha baniiaadamka ee badanaa macaankeeda lagu tilmaamo maalka, caruurta, lamaanaha isjecel, cilmiga sare iwm waxeey baa'badaa markii Nabad la waayo. Hadaba Waa maxay NABAD? maxaasa noo diidan?
Nabada waa hal eray oo waxyaabo badan oo kala duwan loo adeegsado, kuna xiran hadba bulshada qofku ku dhex koray, iyo micnaha markaas laga leeyahay. Hadaba siyaasiyiinta kala duwan ee dunida waxeey ka hadlaan ama isticmaalaan qudbad kasta oo ay aqrinaayaan erayga " Nabad" Si ay u soo jiitaan dhegaha shacabkooda, uguna qanciyaan bulshada in ay wanaag ku maqanyihiin. Waxaa dhacdu in erayga nabad ay adeegsadaan niman ayaga hub wata, ee wax dilaaya, ayagoo ku marmarsiyoonaaya in dadka la dilaayo ay diidanyihiin nabad! Waxaadna arki kartaa in dad badan u riyaaqaayaan in la dilo qofkasta ee diidan NABADA! Waxaan badanaa hilmaanaa in nabad jiri karin inta ay jiraan kuwa naga mid ah ee wata Hub, sameeynaayo hub baabi'iya ah sida nukliyeerka, ama sun lagu buufiyo noolaha oo idil si loo wada waayo waxa dhulkaas ku nool. Nabad ma jireeyso inta aan taageereeyno in wiilkeena, ninkeena, walaalkeena, aabaheena iyo qofkasta ee hub qaad ah aan tuseeyno saaxiibtinimo iyo kalgaceel cabsi aan ka qabno darteed in ay nagu dhuftaan xabada ay wadaan. Nabad ma jireeyso inta aan u ogolaaneeyno in hooyada uurka leh agteeda qoray lagu diro, ama madfac lagu soo tuuro, si cunuga caloosheeda ku koraaya loo qaadsiiyo cudurka nabad la'aanta!
Nabad hadaba waa waxkasta oo nafta dejiya, kana bixiya cabsida iyo qalqalka nafsiyadeed. Nabad waa degenaasho, waa kalsooni, waa isjeceel, wada hadal iyo waliba wada shaqeeyn. Nabad waa in aad ku dhex noolaatid bulsho isku duuban, oo dhib iyo dheefba wada qabo, salaanta isku faafiya, wajiyadooda farxada iyo qosolka ka muuqdaan, qofwalba qofka kale la jecelyahay wanaaga, iyo horumarka. Nabad waxaad aragtaa markii aad u ogolaatid qofkasta ee noole ah in ay helaan waxkasta oo aad adiga jeceshahay, kuna qanacsantahay oo aad dartood u faraxdid. Nabad waxaad aragtaa markii aad joogtid dal madaxweeynihiisa dhex maraayo shacabkiisa, asigoonan askari ilaalineeynin, qofkasta ee ka horyimaado inta uu socdo xafiiska shaqadiisa oo salamaayo, qofkuna aragiisa ku farxaayo. Nabad waxaad aragtaa markii aad aragtid hooyooyin iyo caruur, macalimiin iyo arday, madax iyo shaqaale, waayeel iyo waxgarad is dhex socdo, oo garbaha is heeysata, una wada sujuudo, oo u wada mahadceliyo Rabiga abuuray, oo isjecleysiiyay, nabadana isjecelkooda, daacadnimadooda iyo iimaankooda dartood ugu deeqay. Nabad hadaba waxeey ka soo dhex baxdaa oo helo Bulsho isku kalsoon, isjecel, walaaltinimo iyo wanaag wax ku qaybsada, wada hadal iyo dantooda guudna wada ilaalsho, dann gaar ahna aan laheeyn. Nabad waxaad aragtaa markii aabaha wiilkiisa baraayo in uusan laheeyn dan ama arin ka duwan tan bulshada uu ku dhex noolyahay, una sheego in markii la gaaro danta guud ee dalka, dadka iyo diinta wada leeyihiin, uu asna gaari doono dantiisa gaarka ah. Ileen hadii dan guud jirin, mid gaar ah ma jirto, hadii Bulsho jirin, shaqsi ma jiro!
Baniiadamka waxaa la keenay dunida ayagoo aaminsan nabada, oo aan aqoonin isdilka, dhiiga iyo dagaalka. Waxuuna ahaa qofkii koowaad ee keenay dilka wiilkii aabaha noolaha ee dilay walaalkiisii, kadib markii shaydaanka nacaladeysan dhexdooda ka shaqeeyay, oo isku tusay cadaw. Nabi Adam CSW Wiilkiisii ee la oran jiray Qaabiil waxuu noqday qofkii koowaad ee qof dilay, weliba waxuu dilay walaalkiis la naas nuugay ee la oran jiray asna Haabiil. Waxuuna noqday sidoo kale qofkii koowaad ee qof uu dilay duugay. Kadib markii uu Illaah u soo diray laba dugge oo inta is dilay, kadib midkii qaddarta Eebe reebtay inta qoday god ku duugay duggihii kale. Qaabiilkii dilaaga ahaa isla markaasna dhasha Nabi ahaa waxuu duugay walaalkiis, sidaas ayeeyna nooluhu ku dhaxleen in la is dilo, la isna duugo.
Hada waxa nabada noo diidan waa Shaydaan, oo iska soo dhiga baniiaadam, ama isku soo ekeeyo dad aan garaneeyno, kadibna shar iyo fidno joogta ah naga dhex abuuro, noona diido in aan dareeno macaanka nabada, oo xinbaarsan cabsi la'aan, iyo xasilooni nafsiyadeed ee joogtu ah. Dagaalka oo ah erayga ka soo horjeeda nabada ma dhici laheeyn, hadii dadka is heeysta ay wada hadli lahaayeen, isku kalsoonaan lahaayeen, isjeclaan lahaayeen, isna fahansiin lahaayeen waxa qaldan, ama ay isku raaci la'ayihiin, oo ay ku kala aragti duwanyihiin. Waxa ugu xun ee nabada noo diidan waa in aan la is arkin, la wada hadlin, oo qofkasta qofka kale ka daba shaqeeyo. Maadaama uu aaminsanyahay inuu leeyahay qof u ah cadaw, oo raba inuu dilo ama la dagaalo.
Waxa nabada noo diidan waa cabsida aan anaga iska cabsaneeyno. Waa cabsida naftirkeeda, jiritaanka erayga cabsi ayaa noo diidan nabad. Qofkasta waa la dhalay, asigoo laga ilaalshay cabsi iyo baahi, oo hooyadiis baalkeeda ku heeysay, naaskeedana ku nuujineeysay, waana dabeeciga baniiaadanka in ay nabada jeclaadaan. Waa in aan aaminaa in aan keeni karno, oo aan nolol maalmeedkeena ka dhigi karno nabad, naxariis iyo nimcooyinka Eebe. Waa in aan isku taageerno, oo aan u wada halgano helitaanka Nabada, ku faafinta dunida oo dhan. Waa in aan taageerno qofkasta ama bulsho kasta oo ay dhab ka tahay in ay dunida ku faafiyaan NABAD!
Hadaba hadii aan nahay Soomaali waxaan u baahanahay NABAD! Waxaa naga maqan kalsoonida aan ku qabno nafteena, taasna waxeey keentay in aan dhumino kalsoonida aan ku qabno bulshadeena qofkasta oo ka mid ah. Waxaa na gubay xiqdi iyo xaasidnimo aan anaga dhexdeena isku heeyno, waxaa baa'ba naga dhigay isnaceyb iyo iskala faquuqid aan anaga isku heeyno. Waxaa nahay dad wada dhashay, dhiig iyo diin isku mid ah Illaah ku maneeystay, qayraad iyo qibrad aqooneed badankood la siiyay, ee aan mideeyno maskaxdeena, aan garano danteena, aan fahano in nala shirqoolaayo, oo shishiiye shay noogu oolin, inuu shacabkeena silic, shar iyo shaydaan u afduubo maahane.
Waa iga dardaarane aan dalkeena dawladeeyno, aan dadkeena daryeelno, aan diinteena daraaseeyno.
Alahayoow dalkayga, Alahayoow dadkayga, Alahayoow diintayda, Duruufta ay ku jiraan, adigaa Raxmaan ahe ugu bedel Nabad iyo gacaltooyo aan go`in!!
Nabad nabad nabad nabad nabad!!!!! nabad nabad nabad nabad nabad Ninyahoow Soomaaligaa Nabad!!
27.07.2009 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)
kala xariir: samsam_1989@hotmail.com
Waa maxay NABAD? Qormo Xiiso Badan oo Dhab ka hadal ah
Noolaha dunida waxeey jecelyihiin ama naftooda tabtaa nabad! Qofkasta ee naga mid ah waxuu ku xiranyahay, oo naf ahaan, shaqsi ahaan, maskax ahaan iyo jir ahaanba ugu baahanyahay nabad iyo nolol! Nolol ma jireeyso, hadii ay nabad jirin, nabadna ma ji