kolay anigi su'aashaas jawaabteedii waa iga tan,iyo sida aan wax u arko.
Bal aan mariyo maansoo
Suugaanta magansado
Geeraar macquuliyo
Murti meesha soo dhigo
Ma mutuhiyo gabaygee
Midha lagu maqsuudiyo
Macnaa loo sameeyaa
Milgaa lagu xariiqaa
Xasan maahirow maqal
Madmadawga soo galay
Magacii muqaawimo
Mugdiga inaan ka saaroo
Meel cad aan ku muujaad
Marag iiga yeeshood
Anoon mala awaalayn
Metalaynin sheekada
Aan maro jidkeedii
Alle mahadii weeyaan
Mar haday dadkii
Meeshuu dhibkoodiyo
Mahadhadu ka haysiyo
Murugada ogaadeen
Xasanoow muqaawamo
Macnaheedu gaarka
Waa duul midooboo
Mugdiga iyo gumaysiga
Mawdka iyo dhiilada
Wax kastoo makalayoo
Manhajkii xaqa ahaa
Micnihiisa aan wadan
Muruq kula dagaalama
Maskaxna u adeegsada
Miyirkooda kaashada
Maadooyiinkoo idil
Midi ay xornimo iyo
Miisaanka nabadeed
Mar ku heli karaan
Mawqifkoodu uu yahay !!!
Maxaakiimtii waa hore
Midowgii islaamkii
Mooryaanta naga raray
Qabqablaha minjaha jaray
Muqdishona xasiliyee
Maalmihii macaanaa
Magacii udgoonaa
Mudo kooban buu ahaa
Mindiyaa ku hoos jiray
Iyo duul munaafaqa
Mooryaan gareey iyo
Mashaqaa ka buuxdoo
Muqaawamo ma odhan karo
Maamulaha shuurada
Miisaanka weynaa
Madaxii islaamkiyo
Odaygii masuulnimo
Muslinku u yaqaaneen
Manhajkiyo ujeedkiis
Mabda,iisu waxuu haa
Muslinkoo la dila iyo
Madfaca iyo miinada
Maatada ku laayiyo
Dadka kii macquuloo
Madax inuu ka gooyo
Mar uun maamul uu helo
Madaxnimo ayuu rabay
Ma mutaysan magacaas
Muqaawamo ma odhan karo
Maquuste iyo mooryaan
Waa laba mashruucoo
Inay shacabka madhiyeen
Isu soo midaystoo
Midba magac ku joogo
Ka midaysan hadafkoo
Malaayiin ku qaatoo
Ma mutaysan magacaas
Muqaawamo ma odhan karo
Maamuulkii cartaa ladan
Mindiyo iyo soodhiyo
Murjiska iyo muduciyo
Miinada dadkeeniyo
Mashaqada ma ay dhigin
Maal aduunyo wuu helay
Madaxnimo sidoo kale
Mana falin wax dhiilo ah
Meertada dagaalkiyo
Diiwaanka madawiyo
Magac xumada kuma jiro
Shirka madaxda tuugada
Maslaxaada laga dhigay
Mashruucii dadweynaha
Magacooda lagu cunay
Horta maxaa ka soo baxay
Muran aan dhamaaniyo
Maal baa nalaga dhacay
Mag ayaan sugaynaa
Malaayiinta beentiyo
Moolka hoosa lala galay
Midnima kumay dhalin
Macno loo qushuucoo
Meel mara kama dhalan
Mahdibaa mashruucaa
Magaciisa lagu dhigay
Isaga ka miirsaday
Ma mutaysan magacaa
Muqaawima ma odhan karo
Midowgii jabhadiyo
Malagii dadweynaha
Magacii dalkeeniyo
Masiibadii dadkeenaba
Mooryaantii dumisee
Muqdishana burburisee
Madaxweynaheeniyo
Kuwii maxamed baacsaday
Ee maalkii naga dhacay
Ka mamnuucay ubadkii
Manhajkii waxbarashada
Ka mamnuucay dumarkii
Mariinka iyo dahabkii
Ka mamnuucay shacabkii
Inay macawis qaataan
Ka mamnuucay soomaal
Mar inay midoobaan
Ma mutaysan magacaas
Muqawamo ma odhan karo
Yaanan mooska jabinoo
Hadalku maaxad beeline
Magacani dadkiisii
Weli meesha may iman
Madashana ma soo gelin
Wax muwaadinimo wada
Oo macquula kuma arag
Mawlaan ka sugaynaa
Isagaa midayn karaa
Madaxweyne qaraniyo
Dadka oo midnimo wada
Shacab wada muxaafida
Oon mucaarad lagu arag
Mowluhu raxmaankiyo
Macbuudkaan ka sugaynaa
Waa qalinkii iyo Hal_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Maanso jawaab Muqaawamadu waa tee ?
marka hore xasanoow waxaan kaaga mahadnaqayaa su'aasha aad i soo weydiisay taas oo ah wax meesha ku jira,iyo silsiladda miinlayda ah ee aad noo bilawday taas oo aan rajaynayo in ay asxaab fara badan nagala qayb qaadan doonaan.