Garnaqsigi Dhalinta Dalxiiska Dalka iyo Jawaab Celintii Reer Warsheekh "Faalo"

0
Saturday December 03, 2016 - 22:00:21 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garnaqsigi Dhalinta Dalxiiska Dalka iyo Jawaab Celintii Reer Warsheekh "Faalo"

    Kadib muuqaalki foolxumada iyo fajac dhaliyay ee ka dhanka ahaa sharafka iyo cisiga bulsha weynta reer Warsheekh ee ku baahay baraha bulshada kaasi oo ee kasoo muuqdeen xubno katirsan ururka lamagac baxay dhalinta dalxiiska dalka ayaa dhaliyay dareyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib muuqaalki foolxumada iyo fajac dhaliyay ee ka dhanka ahaa sharafka iyo cisiga bulsha weynta reer Warsheekh ee ku baahay baraha bulshada kaasi oo ee kasoo muuqdeen xubno katirsan ururka lamagac baxay dhalinta dalxiiska dalka ayaa dhaliyay dareyn aad uxoogan oo ee muujiyeen guud ahaan umada soomaaliyeed gaar ahaan dadka kasoo jeeda deegaanadaasi oo u arkay in xad gudub loo geestay sharafkooda iyo dadnimadooda.


Foolxumada muuqaalka kasoo muuqatay ayaa sidoo kale waxa si siman uga wada xumaaday dhamaan umada Soomaaliyeed kuwaasi oo wada qiray in muuqaalkani ka tarjumayo abaal dhac iyo kuxad gudub, dad sharaf iyo cisi usaaxib ah iyagoo dhamaan fariimihi leesku dhaafsaday baraha bulshada ee shabakada warsheekh indhaha la raacday ee muujinayaan tixgelinta iyo qadarinta ee umada Soomaaliyeed guud ahaan ee u haayaan dadka iyo deegaanka Warsheekh oo ku caan baxay Diin, darajo iyo gogol marti soor oo had iyo jeer ufidsan dadka usoo martiya.

Hadaba galabnimadi maanta ayaa waxa mar qura lasoo dhigay barta Facebooka ee kuleeyihiin dhalinta dalxiiska muuqaalo is xig xigay oo ee kaga cudur daaranayaan gafka ka dhacay xubno katirsan ururka iyadoo sidoo kale muuqaaladaasi ee kasoo muuqdeen mas’uuliyiin katirsan bulshada reer Warsheekh kuwaasi oo gogosha ku matalaayay kuna hadlaayay codka dhamaan dadweynihi Soomaaliyeed ee sida siman uga wada xumaaday gafka ka dhacay Dhalinta Dalxiiska Dalka,

Hadaba garnaqsigi kooxda dhalinta dalxiiska dalka oo ee qeyb ka ahaayeen labadi shaqsiyaad ee gafka tooska ah geestay ayaa waxa ku qancay isla markaana codsaday in garnaqsiga lala qaato mas’uuliyiinti reer Warsheekh ee kulanka goob jooga ka ahaa sida , Asad Siid , Qaliif Dhalaxow iyo Isxaaq.

Hadaba hadii aanu nahay bahda maamulka Shabakada Warsheekh waxaanu soo jeedin laheenay in garnaqsigi kooxda aan si dhab ah u aqbalno laba arimood dartood.

1)Xubnaha kaqeybgalay kulanka oo ahaa mas’uuliyiin ku hadli kara codka reer Warsheekh.
2)Tan labaad oo ah dadka reer Warsheekh oo ku caan baxay sharaf iyo cisi oo ee ka markaati kaceen dhamaan Soomaaliweyn inaan hadal qalad ah oo shaqsi afkiis kasoo baxay inuusan wax dhaawac ah ugeesan Karin sidaas darted, gaf dhacay oo laga soo noqday inaan ku cafino magaca iyo xushmada ee noo hayaan umada Soomaaliyeed.

Gunti iyo gunaanadki faaladaani waxa talo usoo jeedin lahaa ururka lamagac baxay dhalinta dalxiiska dalka.

Walaalayaalow marka kowaad waxa idin dhihi lahaa waa inaad magaca aad la baxdeen aad umuuqataan dad matali kara oo aad ka fogaataan qaladaadka nuucaan oo kale ah oo muujinaayo xilkas yari, xiqdi, xaasidnimo iyo naceeb oo aan ku habooneen dad dhalinyaro ah oo la doonayo iney muuqaal lagu daydo unoqdaan bulsha kasoo koreyso colaado sukeeye.

Sidoo kale waxa muuqaalkiina raali gelinta ah ka muuqatay laba kalmad oo soo noq noqotay taasi oo ah " Qaladka yar ee naga dhacay iyo sida qaldan ee loo fasiray”.

Waxey ila tahay in muuqaalki baxay uusan aheen qalad yar oo dhacay iyo fasir qaldan oo laga bixiyay hasa yeeshe laqanyada ee ku reebtay gafka hadalkaasi waxa bulshada reer Warsheekh kaga bogsaneysa raali gelintiini dad baneed iyo aqbalaadi mas’uuliyiinta matashay bulsha weynta reer Warsheekh.

"Cad ceyda guudka joogtiyo madaboosho gacantuye” Waa marti alaah Unaxariistee uu reebay Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed .

Faalo- Warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip