
In ay Robinho kasoo qadaneyso Real Madrid ama In ay Kaka kala soo wareegeyso Ac Milan iyo In ay Heshiis Cusub lagaleyso Ciyaaryahankeeda Lampard, marka waxey sheegtay Labo in ayna usoora galin Kaka oo ay diiday in ay fasaxdo Naadiga Milan iyo Real Madrid oo diiday Robinho Chelsea ayaa markaas waxey Heshiis Shan Sano ah Qalinka ugu duugtay Ciyaaryahankeeda Lampard kaas oo lala xiriirinaayay Naadiga Kubadda Cagta ah ee Inter Milan.
Lampard ayaa Saxiixay Heshis Shan Sano ah ilaa 2013 markaas ay da'diisa noqoneyso 35 jir, mustaqbalka ciyaaryahanka ayaa umuuqday mid ka sii dhamaanayo Naadiga Chelsea inti aanu saxiixin Heshiiska taas oo Sabab u eheed Macalinkiisi Hore ee Naadiga Jose Morinho ayaa oga baaqaayay Naadiga Inter waxaasa dhacday in uu Macalinka qaatay Ciyaaryahan Suley Ali Muntari markaas ayey ka maarmeen Naadiga Inter.
Lampard ayaa Naadigiisa usaftay 367 Kulan wuxuuna u dhaliyay 110 Gool
oo ay ku jiraan 20 Gool uu saxiixay Sadaxdi Xili Ciyaareed ee la soo dhaafay, Taageerayaasha Chelsea ayaa ku farxay Heshiiski Lampard waxeyna aad u daneynayaan wali in ay arkaan Kaka oo ku ciyaarayo Funaanada Chelsea.
Waxaa laciyaaray Xalay iyo Habeen Hore Kulamo ka tirsan Wareega ugu danbeeyo ee Isreerb reebka Eufa Champions League Kooxuhu waxey isku arkeeyn is araga Koowaad Sidatan:-
12/08/08
Fiorentina 2 - 0 Slavia Prague
13/08/08
Spartak Moscow 1 - 4 Dynamo Kyiv
Levski Sofia 0 - 1 BATE Borisov
Shakhtar Donetsk 2 - 0 Dinamo Zagreb
Anorthosis 3 - 0 Olympiakos Piraeus
Aalborg BK 2 - 0 Kaunas
Galatasaray 2 - 2 Steaua Bucuresti
Brann Bergen 0 - 1 Marseille
Twente Enschede 0 - 2 Arsenal
Juventus 4 - 0 Petrzalka
Schalke 1 - 0 Atletico Madrid
Sparta Prague 1 - 2 Panathinaikos
Partizan Belgrade 2 - 2 Fenerbahce
Standard Liege 0 - 0 Liverpool
Vitoria Guimaraes 0 - 0 Basel
Barcelona 4 - 0 Wisla Krakow
Hassan Omar Osman (Jaana)
xasanjuungal@hotmail.com
Warsheekh, Muqdisho
Frank Lampard oo Heshis Shan Sano ah lagalay Naadigiisa Chelsea iyo Isrebrebka Championka
Maalinti Arbacada ayaa Naadiga Chelsea isugu yeertay Saxaafadda Sportiga Shir kaasi oo ahaa in ay Shaac ka qaado War ay hadda ka hor Shaacisay kaas oo ahaa Sadax in ay Macquul Noqoneyso Midkood.