Dad badan ayaa arkaya ineey jiraan kala firkir duwanaasho aad u kala fog oo ku saleeysan Waxyaabo badan oo aaneey suurta Gal aheeyn in eey isku si u shaqeeyaan ama si uun u midoobaan labada urur Marka laga Reebo si ku meel gaar ah oo eey Cadow u wada yeeshaan ama Dan gaabani isku heeyso
Sidoo kale waxaa Su aalo badani ka Taagan yihiin Mustaqbalka Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya iyo Weliba halka eey ku danbeeyn doonto Siyaasada Wadaadada Soomaaliya iyo Ururada eey horboodayaan oo u muuqda inuu Mugdi baahsan Sii gelayo.
Dagaalkan u danbeeyey oo ka dhex Qarxay islaamiyiintii Mucaaradka ku ahaa dowlada Waa Xisbul islaam iyo Shabaabe ayaa Salka ku haya Dano Dhaqaale,Siyaasadeed iyo mid Milatari oo intuba Salka ku haya Dekeda Magaalada Istiraatiijiga ah ee Kismaayo taasoo Soo dedejisay Mugdi Qarsoonaa oo dad badani Sii saadaalinayeen inuu Waqti aan dheereeyn Soo banana bixi doono.
Dagaalka Kismaayo ma aha Mid Diimeed iyo mid Qabiil oo Qaawan lakiin waa Dagaal Dano Dhaqaale,Siyaasadeed iyo Milatari oo eey Dano Qabiilna suurta gal tahay weliba ineey dib uga dherersan yihiin waana sababtaasi tan dad badani u arkaan Dagaal si qoto dheer u kala fur furaya dhinacyada uu ka dhexeeyo weliba Beelo badan oo kusii kala fogaanaya Danaha Dhaqaale,dhul iyo Gacan ku heeynta Gobolada Jubooyinka ee Qaniga ah.
Dagaalkani ayaa God iyo Ceel dheer kusii ridi doona Mashruuca Islaamiga ah ee Soomaaliya oo markii horaba Fashil uu ku timid Bixitaankii Itoobiya kadib markii eey kala jabeen Ragii hogaaminayey Mashruucaasi oo Tijaabo Fiican -balse dad badani aamin sanyihiin ineey hoosta ka holceeysay -Sameeyey 6 dii bil ee Sanadkii 2006dii waxaana la qiyaasayaa in Iska hor imaashada iyo kala fogaashadu eey sii balaaran doonto tanina tahay bilowgii bur bur baahsan oo dib u bilowday.
Ma ahan arin Ugub ah in Xoogaga Islaamiga ah eey iska hor yimaadaan sida ka dhacday Caalamka kalaba Sida Ciraaq,Afganistaan iyo meela badan, Waxaa Soo muuqanaya in la gaaray Xiligii Mashruuca Islaamiga Soomaaliya uu si Xoogan u fashilmayey isla markaana Mustaqbalkiisu uu sii Gelayo Mugdi aad u baaxadweeyn.
Hogaamiye yaasha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa Xiligaani u muuqda Kuwa aan waxba ka duwaneeyn Hogaamiye kooxeedyadii eey kal hore Dagaaladda la galeen isla markaanu Shacabku ku siiyey Taageerada Balaaran eeyna ka filayeen ineey wax badan ka duwanaadaan hogaamiye kooxeedyadaasi oo shacabku aaminsanaa ineey Nolol u diideen balse hada eey ushalaaynayaan dhibaatada eey kala kulmeen Wadaadadii aawgeed.
Aragtida iyo Qodobada Aasaasiga ah ee Labada Ururu kala aaminsanyihiin.
Warbixintaan oo Dhinacya badan Taabaneeysa isla markaana aan kasoo Ururinay Xogteeda dhinacya badan oo ey ku jiraan Madaxda Xisbul Islaam iyo Shabaab ayaan u bandhignay Su aasha ah Waxyaabaha Asaasiga ah ee Mabaa dii’ da labada Ururu ku kala Gedisan tahay iyo waxyaabaha eey Suurta Gal tahay ineey isugu yimaadaan.
Waatan Qeeybo ka mid ah Xog aan Ka soo Ururinay Saraakiil Sare oo ka Tirsan Labada Urur iyo Weliba Shaqsiyaad Caan ah oo ka tirsan Mashruuca ISlaamiga ee Soomaaliya ka hana qaaday oo ka Cudur daartay in Magacyadooda la Xuso.
Qodobada eey ku kala duwan yihiin Labada Urur Diimeed.
· Qaabka eey yeelaneyso Dowlada eey Rabaan ineey Dhisaan Ururadaani Islaamiga ah Xuduuda eey leedahay ee Juquraafi ahaan oo Ururka Xisbul Islaam uu Doonayo Dowlad Islaami ah oo aan Dhaafsiisneey Xuduudka Juquraafiyeed ee Soomaaliya, halka Ururka Al-shabaab eey Doonayaan ineey Dhisaan Dowlad Islaami ah oo Dhamaan Geeska Africa Saameeysa kana Talisa.
· Xisbul Islaam ayaan Iyagu dhib u arkin ineey Wada hadal Mustaqbalka Dhow la Furaan Mareeykanka iyo Xulufadooda Reer Galbeedka hadii eey Joojinayaan Faragelinta iyo Cadowtooyada eey ku hayaan arimaha Gudaha ee Soomaaliya, haka Xarakada Shabaab eey u aragto la hadalka Waxa eey ugu yeeraan Dabadhilifyada iyo inta u shaqeeysa Jariimo iyo Danbi weeyn oo laga Galay Diinta iyo Dalka iyagoo Dowlada Mareeykanka iyo cidii eey ku tuhmayaan oo idilna waxa kaliya oo kala dhexeeyn karaa eey Tahay Dagaal oo kaliya.
· Ururka Shabaab ayaa iyagu Aaminsan Jihaad Caalami ah sida Wararkooda, Siyaasadooda iyo hab dhaqankooda Guud uu ku dhisan yahayna Dagaal ineey kula jiraan Mareeykanka iyo Xulufadiisa geeska Africa ayey ku doodayaan ama aamin sanyihiin Cajaladii ugu danbeeysay oo iidii eey soo Saareen Shabaabku uguna Magac Dareen “Labeeyka Yaa Usaama” ayaana arintaasi Cadeeyneeysa, halka Xisbul islaam uusan Jihadkaas Caalamiga ah ku jirin kuna Saleeysan yahay Gudaha Soomaaliya in Faragelinta Soomaalida lagu hayaa eey meesha ka baxdo Soomaaliduna Arimahooda u Tashtaan si Madax banaan.
Xiriirka Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka ee Labada Urur oo kala Gedisan, Ururka Xisbul Islaam ayaa isagu leh isla markaana Ilaashada Xiriir Wanaagsan oo uu la leeyahay Qaar ka Tirsan Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka iyadoo Xisbigu aaminsanayay inuu ka dhaadhicin karo una sharxi karo Siyaasada Xisbiga ee Soomaaliya Sida uu cadeeyey Sarkaal Sare oo ka Tirsan xisbiga, Halka Xarakada Shabaab eey Aaminsantahay in Dowladaha Islaamka iyo kuwa Carabtuba eey yihiin Dowlado Rido ah oo daba dhilif u ah Mareeykanka.
· Aragtida Dowlada Soomaaliya, in kastoo eey labada dhinac ka mideeysan yihiin in Dowlada Soomaaliya eey Rido Tahay hadana waxeey ku kala duwan yihiin Sidee Ridadaasi loo Suulinayaa ama loola Macaamilayaa Madaxdeeda,Xubnaha ku jira iyo Cid waliba oo la macaamisha Taasoo Xisbul Islaam eey Aaminsan yihiin in Si guud loola Macaamilo Nidaamkaasi, balse Shabaabka ayaa Arintaasi ka duwan Qaba oo si Tafaasiil hoose ah Doonaya in loola Xisaabtamo Xukuumada iyo Wixii la macaamila intaba.
Waxaa jira Saraakiil ka tirsan labada dhinacba oo si ugu muuqda ineey Jeclaan lahaayeen in wada hadal iyo Wada socosho howsha lagu Wado marar badana in Arimahaasi laga wada hadlo iyo dhex dhexaadnimo Muujiyey Sida Abuu mansuur oo dadka Qaar Arkaan inuu si Shiikh Xasan daahir Xiriir ula leeyahay Shabaabkana ka tirsan iyo Shiikh Xasan Turki oo Xisbul islaam ka Tirsan isla markaana horay Wareeysiyo uu siiyey Telefeshinka Aljaziira si cad u sheegay inuu Raacsan yahay Siyaasada Usama Bin laadin.
Dad badan ayaa ku wareersan Xoogagan iska soo jorjeeda oo intooda badani ka tirsan Tayaarka Salafiya Jihaadiya sida Mucaskarka Raaskaambooni iyo Weliba Xarakada Shabaab oo labaduba ku abtirsada Koox Diimeedkaasi la yiraahdo Salafiya Jihaadiya hadana Arintoodu Mareeyso Meel aan wax laga Qaban Karin ilaa labada koox mid Daaqada laga saaro ama eey Garabyo Baratama ahaadan sida lagu yaqaano Soomaalida Wadaadkooda iyo waranlahoodaba in lakala jabsado wixii la isku Qabsado oo aaneey jirin Meel loo laabto iyo hab lagu kala baxo midna.
Si kastaba Abuu dalxa oo ka mid ah Saraakiisha Islaamiyiinta kana soo horjeeda Fikirka Salafiya Jihaadiya ayaa Qaba Fikir ah in Waxa la isku heeysto Kismaayo eey Tahay Arin Dhaqaale iyo Awood Sameeysi ku dhisay Istiraatiijiyad fog oo eey Ciyaarayaan labada Urur ee is haya Waa shabaab iyo Xisbul islaame.
“Dagaalkani wuxuu ku saleeysan yahay Arin dhaqaale iyo dhul balaarsi Milatari waayo Kismaayo waa magaalo Muhiim ah oo leh dhowr jiho oo bad iyo beriba laga bixi kari karo Qeeyraad fara badan oo xaga bada iyo berigaba leh Cidii Gacanta ku heeysana waxeey saameeyn Siyaasadeed dhaqaale iyo Milatariba ku yeelaneeysaa Gobolada Jubooyinka, Gedo,Bay iyo Bakool intaba, isku filnaan ayeyna Gaareeysa kooxdii halkaasi joogtaahi” ayuu yiri Abuu Dalxa.
“Cadowga Islaamka ayaa aad usii buun buuninaya isla markaana xoog badan ku bixinaya sidii eey usii kala fogaan lahaayeen labada dhinac iyadoo tashuush badan lagu furay mid ka mid ah Saraakiisha –Axmed Madoobe- oo lagu eedeeyey in uu Fashilinayo Mashruuca Jihaadka Geeska Africa una adeegayo Danaha Mareeykanka” ayu sii raaciyey Abuu dalxa.
Gobolada Jubooyinka ayaa Dhanka kale Muhiim u ah Istiraatiijiyada Dagaalka iyadoo eey ku yaalaan Goobo si weeyn loogu Ganban karo oo Hoowd ah kuwaasi oo aaneey suurta gal aheeyn in Ciidamada goboladaasi jooga lagu ceeysado ama noqon karta Dhul si weeyn loogu Ganban karo hadii Xaalku halkaasi Gaaro.
Waxaa dad badani Sugayaan Wajiga Cusub ee eey Qaadaneeyso Arinta Soomaaliya kadib markii Garbihii ridida ama kala tuurista Dowlada ku mideeysnaa eey kala huleeleen Taasoo fureeysa Albaab cusub iyo Dagaalo Wajiyo badan leh oo dib usoo cusboonaada Saraakiisha oo eey iska laayaan iyo weliba kala jajab balaaran oo soo wajaha labada dhinacba.
Xigasho: Shacabka.net
Maxaad kala socotaa Salka Qilaafka Ururada Shabaab iyo xisbul islaam iyo Weliba Qodobada Gun dhiga ah ee Siyaadada labada Urur eey ku Qotonto(Xog Ururin Balaaran)
Dagaaladii u danbeeyey ee ka dhex Qarxay Ururada Xisbul Islaam iyo Shabaab oo horay ugu mideeysnaa la dagaalanka Dowlada Soomaaliya ayaa kiciyey in Su aalo badan la iska weeydiiyo waxa sababay iska horimaadka kala fogaanshada labada Urur waxa uu Salk