
Annagoo ah qaar ka mid ah Culumaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca ee ku dhaqan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethipa gaar ahaan xaafada 24 Magananya waxaa halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu direynaa dhamaan shacbiga Soomaaliyeed iyo Owladaa Macalinkeena weynaa Allaah u naxariisto Macalin Nuur iyo Eheheladiisa iyo qaraabadiisa geeridii naxdinta leheed ee ku timid Macalinkeena Macalin Nuur oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Culumaa'udiinka ayaa waxa ay sheegeen in Macalinka uu ka tagay Umadda Soomaaliyeed oo dhan iyadoo uusan kaliya ka tagin Owlaadiisa, Eheladiisa iyo qaraabadiisa waxey kaloo sheegeen inuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa shacab weynaha Soomaliyeed dhinaca fidinta diinta Islaamka .
Culumada ayaa waxa ay kaloo sheegeen in uu macalinku ahaa shaqsi samafal ah oo u gar gaara dadka agoonta wuxuu kaloo ahaa nin kor u qaada dhinaca xelqooyinka duruqada suufiyada waxa ay Culumada sheegen in aan lasoo koobi karin macalinka waxa uu shacabka soomaaliyeed u qabtay dhinac walba oo ay ahaato.
Culumada ayaa waxay tacsi gaar ah u dirayaan Owlaada Macalinka oo uu horkacayo Saaxibul waqtiga booska Macalinka Sh C/qaadir Macalin Nuur waxeyna Eeba uga baryayaan inuu samir iyo Iimaan kasiiyo Macalinka Janatul Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
Waxaa tacsida tiraya qaar ka tirsan culumaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca, Odayaasha iyo dhalinyarada ku dhaqan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia gaar ahaan Xaafad 24 Magananya waxeyna kala yhiin sida tan:
1) Sh Maxamuud Macalin Xasan
2) Sh Abuukar Macalin Maxamuud Faarax
3) Sh Nuur Ow Cabdulle (Sh Nuur Tokiyo)
4) Sh Maxamed Dhaqane
5) Sh Axmed Ceynanshe
6) Macalin Nuur khaliif Xuseen Raage
7) Macalin Cabdulle Xasan
8) Macalin Xasan Maxamuud Cabdulle (M.Xusuley
9) Sh Maxamed Toxobow
10) Xaaji Tiifow
11) Macalin Asad sanyare
12) Cumar Sh Axmed Yare (Dr.Caamir)
13) Macalin Qadar
14) Sh C/raxmaan Xuseen xasan
15) Macalin C/fataax
16) Nabadoon Xaaji Muxidiin Cogaal
17) C/llaahi Wariiri
18) Xaaji Saciid Maxamed Hiraabe
19) Xaaji Suudi Minishiibiyo
20) Ing. Xasan Ruuke
21) Ing. Xuseen Watiir
22) macalin Yuusuf (M. Farey)
23) Axmed Nuur Cali Barre (Uujey)
24) Sh Maxamuud Ismaan
25) Xuseen Xaaji Faanaaye
26) C/raxmaan Siid Cali Macalin Seerjinte
27) Maxamed Abuukar Gurey
28) Cabbaas Gooli
29) Maxamed Cabdi Nuur
30) Cali Sh Axmed (Caliyare)
Iyo dadkaloo farabadan oo aan halkaa lagu soo koobi karin waxeyna Leeyhiin Macalinkeena Allaah u naxariisto Janatul Fardowso Allaah ka waraabiyo Owlaada, Ehelada, qaraabada iyo Shacbi weynaha Soomaaliyeed oo ka tagayna Samir iyo Iimaan eeba ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
Cali sh Axmed (Caliyare)
Addis-Ababa Ethiopia
Email:c_yare2@warsheekh.com,/c_yare2@hotmail.com
South Afrika
Mustafa Cali Shire, Maxamed Aadan Subow Iyo Cali Maxamed Cali oo Kamid Ah jaaliyadda Soomaalida Ee Dalka K/africa Ayaa Waxa Ay tacsi tiiraanyo Leh U Direyaan Geeridii naxdinta Lahayd Ee ku timid Macalin Nuur Maxamed Siyaad.
Mustafa Cali Shire oo Aqoon U Leh Macainka Ayaa Ka Hadlay Xoogaa Ka mid Ah Wax Qabadkiisa oo uu ku Sheegay Inuu Kiciyey Ama (Wax barasho Quraan U Dhameystirey) In Kabadan 300 Dugsi, Ardaydaasi oo maanta Qadarin Iyo qiima Weyn Ku Leh Dalka Soomaaliya.
"Macalin Nuur Waxa Aan Ku xasuustaa Inuu yahay Nin Jacel Dadkiisa Iyo dinmtiisa Nacebna Qabyaaladda, Waxaa uuna aad ugu dadaali jirey sare u qaadida diinata islaamka iyo baridda ardayda, Isagoo macalinka Had Iyo Jeerna Caawin Jirey Masaakiinta (Quudin Jirey) Ayuu Yiri Mustafa Cali Shire".
Waxaana Xusid Mudan in macakinku Heystey Madhabka Qaadiriya, Ee Iminka Sida Weyn Nabi amaanka Ugu Heysta dalka soomaaliya.
Mustafa Cali Shire, Ayaa Ku booriyey culumaa,udiinka soomaaliyeed Inay Ku daydaan Wanaagii Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo kale, Waxa uuna Tacsi Tiiraanyo Leh U Direy Eheladii uu Ka geeriyoodey Macalin Nuur Maxamed Siyaad, Isagana Macalinka Waxa uu Eebe Uga Baryey Inuu Janatul Fardowsa Ka Waraabiyo, Aamiin Aamiin.
Mustafa Cali Shire
mustaf125@hotmail.com
Cape town S/africa.
Waxa wili si isdaba joog ah shabakada warsheekh usoo gaaraya dhambaalada tacsida Macalin Nuur
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Qaar ka mid ah Culumaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca ee ku dhaqan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia oo Tacsi diiraanyo leh udirayo Allaah u naxariistee Marxuum macalin Nuur Maxamed Siyaad.