Dowlada Kumeelgaarka ah ee Soomaalya ayaa waxa usoo degay hubki ugu tira badnaa ebed oo ay ka hesho dowlada midowga Yurub iyo Dowlada Mareykanka kadib marki ay markab waday hubkaasi oo kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho. Hubkaan ayaa sida ay sheegeen ilo kusugan dekedda Muqdisho waxa uu ka kooban yahay Qoriga nuuca loo yaqaan Taangiyga iyo Rasaastooda oo inta badan ee markabka oo ka kooban yahay iyadoo sidoo kale ay kamid yihiin hubkaani qoriga loo yaqaano BKM oo aan xadid laheen
Hubka usoo degay dowlada somaliya oo ah mid dhiiro galin iyo taakulo balaaran u ah Ciidamada Dowlada Somaliya oo lagu xanto kuwa aan talaabo sidaa ubuuran aan u aqaadi Karin Ciidamada Kooxaha Mucaaradka iyadoo dhanka kale ee maleeshiyaadka kooxaha mucaaradk ay dhabar jab iyo niyad jab ku keentay keensashada hubka ee dowlada somaliya.
Hadaba arinkaan gulufka colaadeed ay wado dowlada somaliya oo soo jiitamayay tan iyo dhamaadki sanadka ina dhaafay ayaa waxa shacabka reer muqdisho ay yihiin mid ay wadnaha farta ku hayaan dagaalkani iyo qasaaraha oo geesan karo ilaa waqtiga oo socon doono iyadoo indhahaaga qabanayaan dadka reer muqdisho oo marba xaafad uyaacayo iyadoo ay wehliso alshabaab oo iyadana dadkaa ugu baaqday in ay jihaadka galaan oo ay ka cararin .
Hadaba marka aad saadaaliso xaalada colaadeed ee iminka ka jirto magaalada muqdisho ayaa waxa uqaab egyahay Cayaar Final ah oo la marayo Daqiiqadihi ugu dambeeyay Balse Niyad jabka ay muujinayan shacabka somaliyeed ayaa ah Ribo aan talaabo laheen in ay ku caan baxday Dowlada Somaliya ee garwadeenka ka yahay Madaxweyne Sheekh Shariif
Dowlada Somaliya oo soo dagsatay Hubki Ugu Badnaa ebed iyo Reer Muqdisho Oo Qaxaya
Dowlada Kumeelgaarka ah ee Soomaalya ayaa waxa usoo degay hubki ugu tira badnaa ebed oo ay ka hesho dowlada midowga Yurub iyo Dowlada Mareykanka kadib marki ay markab waday hubkaasi oo kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho.