Itoobiya oo Dib boorka uga Jafeeso Doorkeeda Siyaasada Somaliya

0
Sunday January 10, 2010 - 20:20:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo Dib boorka uga Jafeeso Doorkeeda Siyaasada Somaliya

    War ka soo baxay wasaarada arimaha Dibada Dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in caalamku uu ka seexday arimaha Soomaaliya mudana la fiirsanayay, sidaa daraadeed ay tahay in marka la eego hanjabaada ka soo baxaysa Ururka Al-shabaab ay tahay in meel lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ka soo baxay wasaarada arimaha Dibada Dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in caalamku uu ka seexday arimaha Soomaaliya mudana la fiirsanayay, sidaa daraadeed ay tahay in marka la eego hanjabaada ka soo baxaysa Ururka Al-shabaab ay tahay in meel looga soo wada jeesto Ururkaasi.


 
Qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha Dibada Itoobiya laguna baahiyay webiste Dowladu leedahay ayaa lagu sheegay in xaalada Soomaaliya iminka ka jirta ay tahay mid u baahan in Caalamku jawaba cad ka baxsho.
 
"Waqtiga dheer ee caalamku iska eeganayay arinta Soomaaliya waxay keentay in Soomaalya ay gacanta u gasho ururka Al-shabaab" ayaa lagu yiri qraalka ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Itoobiya.
 
Dowlada Itoobiya aya qoraalka ka soo baxay waxa lagu sheegay oo kale  inay ka xun yihiin qaraxii 3-dii bishii December Muqdisho ka dhacay kaasoo dad badan oo wasiiro Dowlada Soomaaiyeed ka tirsanaa ay ku jireen ku geeriyoodeen.
 
Itoobiya ayaa sidoo kale waxay beesha caalamka gaar ahaan reer Yurub ka codsatay inay qaataan mas'uuliyada ka saaran arinta Soomaaliya oo ay sheegeen inay sii xumaaneysso arrimaha Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip