Alshabaab “ iskuulada Waxbarashada waa in ay Dajiyaan Calanka Somaliya kuna Badalaan ”

0
Monday January 25, 2010 - 20:22:29 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab “ iskuulada Waxbarashada waa in ay Dajiyaan Calanka Somaliya kuna Badalaan ”

    Wararka laga helaayo Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maamulka al-Shabaab ee ka taliya Gobolkaasi uu soo saaray amar ah in Iskuulada ku yaala Gobolkaasi laga taago Calanka Madow ee astaanta u ah Al-Shabaab, lagana dejiyo Calankii Soomaaliyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helaayo Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maamulka al-Shabaab ee ka taliya Gobolkaasi uu soo saaray amar ah in Iskuulada ku yaala Gobolkaasi laga taago Calanka Madow ee astaanta u ah Al-Shabaab, lagana dejiyo Calankii Soomaaliyeed.

 
 
 Al-Shabaab ayaa sheegtay in amarkaan la doonayo in lagu hirgeliyo hal todobaad, iyadoo aysan weli ka hadlin maamullada Iskuullada ku yaalla Gobolkaasi oo ay gacanta ku hayso Ururka Al-Shabaab.
 
Sidoo kale mas'uuliyiinta Maamulka Shabeellada hoose ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan Iskuullada degmadaasi marka la gaaro bilowga bisha soo socota ee Feberaayo si ay u koontaroolaan inuu fulay amarkooda iyo in kale.
 
Iskuullada ka dhisan gobolkaasi ayaa waxaa gacan siiya Hay'adaha  gargaarka bixiya, waxaana la sheegayaa inay ku adkaan doonto Maamulada iskuuladaasi inay qaataan go’aankaasi ay soo saartay al-Shabaab, waxaana laga cabsi qabaa in iskuuladaasi ay xirmaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip