Qaar kamid ah Culuma’udiinka Ahlusunnah ee Wadanka Kenya oo Shil Gaari ugeeriyoodeen.

0
Monday February 08, 2010 - 17:53:40 in Tacsi by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamid ah Culuma’udiinka Ahlusunnah ee Wadanka Kenya oo Shil Gaari ugeeriyoodeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg deg ah oo iminka inaga soo gaaray Magaalo madaxda Dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen fal naxtin leh kadib gaari ay saarnaayeen qaar kamid ah culuma’udiinka ahlusunnah waljamaac ee Wadanka Kenya oo ku qalibmay inta udhaxeeya Garisa iyo Nairobi, falkaasi oo dhaliyay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Culuma’udiinka ku geeriyooday Shilkaan Gaari ayaa waxa kamid ah Sh: Xusen Max’ed xaashi (Sh: Xusen USC) oo ahaa Mudaris wax ka aqriyay Masjidyada iyo Mowlacyada Wadanka Kenya  iyo Sh: xasan Xirsi Qeyre Waacid Ahaa  iyadoo sidoo kale dhaawac culus soo gaaray Sheekha Caalimka ah Sh: Xasan Sh: Ax’ed Ow Cali (Sh: Xasan Madoobe) oo ahaa Mudariska Kutubaha ka aqriyo  Masjidka 3rdka  .

Shilkaan ayaa dhacay kadib marki  Subaxnimadi  hore ee saakay safar ugu ambabaxeen magaalada Gaarisa halkaasi oo ku geeriyooday Sheekh la dhashay Sheekh xasan madoobe oo ay doonayeen culimada in Meedka sheeekha halkaasi ku tartiibiyaan ayaa waxa dhacay inti ay wadada kusii jireen arinkaan lama filaanka ah.

Hadaba Tacsida Naxtina leh ee kutimid Culimadaan ayaa waxa looga tacsiyeenaa dhamaan Culuma’udiinka Ahlusunnah Waljamaac meel kasta oo ay joogaan iyadoo si gaar ah loogu tacsiyeenaayo ehelka iyo qaraabadi ay ka geeriyoodeen culimadaan in eebe kasiiyo samir iyo iimaan iyagana eebe ka waraabiyo Janadi Fardowse .

Waxa si isdaba jog ah usoo gaarayay shabakada Warsheekh Dhambaalada Tacsida Kutimid Qaar kamid ah Culuma’udiinka Ahlusunnah Waljamaac iyadoo tacsidaana ay dirayaan Culuma’udiinka Ahlusunnah ee ku kala sugan Daafaha Caalamka gaar ahaan  Magaalooyinka Nairobi iyo Kambaala .

Magacyada Masha’iqda Tacsida Direeso

1. Shariif C/llaahi Shariif Xasan  Mudariska ahna Imaamka Masjidka 12ka Nairobi
2. Sh: Ax’ed Sh: Aweys (Saxibul Sajaadatil Qaadiraytil Caliya)
3. . Sh: Cisman Sheekh Cumar (Sheekh Cisman Xidig)
4. . Sh: C/qaadir Xaaji Cali (Sheekh Baajuuri)  Mudariska Masjidka 12ka Nairobi
5. Sh: Da’ud Sh: Max’ed Sh: C/raxman Ow Cumar
6. Sh: Cumar Sh: Max’ed Sh: C/raxman Ow Cumar
7. Sh: Shanyalow Sh: Max’ed Nuur Bin Luqman
8. Sheekh C/qaadir Macalin Ibraahim (Suni)
9. Sheekh Xasan Aadan (Kamacle)
10. Sheekh Cabdifitaax Sheekh Maxamed Guuleed
11. Sh: Musdafa C/laahi Bulxan Mudaris Masjidka Alxaq Plaza Nairobi
12. Sh: C/llaahi Cali Aadan (Sh: Duduble)
13. Sh: Sahal Macalin Xasan Waacid Masjidyada Nairobi
14. Sh: Cisman Sh: Max’ed Sh: C/raxman Ow Cumar
15. Sh: Muxidiin Laashin
16. Sh: Muxidiin Sh: Nuur Cali Barow
17. Xaji Xasan Cade Xamarow
18. Sh: Ax’ed Sh: Cabdi Shiikhaal
19. Sh: C/raxman Sh: Cabdi Shiikhaal
20. Sh: Ax’ed Sh: Cusman Sariire
21. Sh: Ax'ed Salaad
22, Sh: Maxamed Faandho
23, Sh: Ismacil Cali Rooraaye
24) Sh: Feysal Yusuf Kulane
25) Sh: Isxaaq Xaaji Bin Muse
26) Sh: C/jibaar Sh: Xasan Sh: yusuf
27) Sh: Aanis Cali Maxamud
29) Sh: Abukar Axmed Yare
30) Sh: Jaamac Dheere iyo Faarax
 Iyo Dhamaan Xirta Reer Sheekh C/raxman Ow Cumar

Waxa Tacsi tan lamid ah Diyrayo Dhamaan Maamulka, Shaqaalaha iyo Aqristayaasha Webka Warsheekh iyagoo eebe uga baryay in culimada ka waraabiyo Janatu Fardowsa Bacdigoodna Umada Fidneenin
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip